|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Qiyaano weligeed soo jirijirtey iyo hormar aan la isu quurin 10/10/08 Jeddah-BDM Media: Dalka Soomaaliya in mudo ah ba waxaa ka soo jiri jirey colaado caloosha fadhisa oo aan muuqan inta aysan dhicin dagaalka gacanta la isla galey oo dadka dhan wada saameyey.
Dagaalka dadka qaarkii qalbiga ka madoobayey oo ay u hayaan qowmiyada Digilmirifle oo ku saleysnaa xaasidnimo iyo xaqiraad taasoo sawabteeduna ay tahay in qowmiyada Digilmirifle Ilaahay ku manaystey dhul barwaqo ah. Ahna isha ugu weyn ee soo saarta dhaqaalaha Soomaliya, yihiina dadka ugu horeeya wax soo saarka, ahna dadka ugu nabada jecel una dheer samafalida ay dadka u sameeyaan.
Hadaba waxaa maraq madoonto ah in aysan yareen dadkii ku hamin jirey sidii ay u dhaxli lahaayeen dhulkaas una baabi'in lahaayeen qowmiyada digilmirifle waxayna u soo galeen dadaal aad u dheer kaasoo soo soconayey in kabadan 70 sano sidii ay u u dabar goyn lahaayeen raga aqoonta leh u dhashey qowmiyada digilmirifle si loo waayo wax sheegta dhulka. howshoodi ugu horeysey waxay ku bilaabeen in luuqadeena la liido iyo dadnimadeena la inkiro in nalagu soo dhex galo walaalanimo been ah.
Ayagoon is muujineynin had iyo jeer waxay il gooni ah ku fiirin jireen aqoonyahanka u dooda xaqa ay leeyihiin Digilmirifle anagoo xusi karto in xitaa dilal loo geyste aqoonyahano u soo istaagey helitaanka xaqa Digilmirifle ama inuu maqaam sare ka qabto maamulka dalka.
Horey waxaa loo yiri ( hathal uur ky yaaly afkaa hathee.) dhawaantaan waxaa kashifantey sirtii dadka jirnaa calooshooda ku jirtey oo ahayd sidee bay Digilmirifle hor mar u gaari karaan. Taasoo tusaale aan uga dhigan karno naag dhowaantaan BBC-da laanteeda af Soomaaliga ku hadashey oo sheegtey inaan loo baahneyn in Baydhabo laga furo jaamacad maadaama ay jaamacado badan ku kala yaalaan Muqdisho, Boosaaso iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya
Naagtaas oo aan ku tilmaami karo inay tahay (keligeed quudato) waxay cadeysatey inaysan u ogoleyn in Qowmiyad Digilmirifle heer wax barasho noocaas ookale ay gaaraan waxaana qabaa isla markaas ay soo hadleysey inay ku jirtey isbitaal ayadoo la xanuunsatey kadib markii ay maqashey in gobolka bay laga furey jaamacad.
Waxyaabaha kale oo cadeyn kara in aan loo ogoleyn in qowmiyada digilmirifle ay hormar gaaraan waxaa ka mid ah shirkii mudada ka socdey magaalada Baydhabo gobolka Bay natiijooyinkii ka soo baxay oo ah natiijooyin heerkii ugu sareeyey oo dimoqoraadida ku saleysan oo Soomaali gaarto laakiin waxaa la yaab ah in aysan jirin cidaacad iyo television si run ah oga kafaalooda ama sheega wanaagii ka soo baxay oo ugu horeyso idaacada BBC-da.
Hadaba maxaa ku haboon qowmiyada Digilmirifle inay sameeyaan? Waa su'aasha uu is weydiiyo aqoonyahan kasta Digilmirifle ah. Jawaabta aan u ahayo su'aashaa ayaa waxay tahay in qof waliba oo ah Digilmirifle uu ogaado inuu yahay dulmane loo soo dhigtey burburintiisa waxa loo daba joogana ay tahay barwaaqadaa ilaahay ku maneystey sidii looga fara maroojisan lahaa. Waxaana muhiim inaan ogaano in aysan jirin qomiyad qomiyad kale kaga wanaagsan karti, aqoon, nasab, iyo wixii la halmaala. hadii ay jirtana qowmiyadaas ay tahay qowmiyad Digilmirifle.
Waxaa lama huraan ah in aqoonyahan kasta oo digilmirifle ah inuu soo jeesto hormarinta dadkiisa iyo sidii ugu difaaci lahaa dadka xasda oo waxna u ogoleyn.
Ugu dambeyntii hadalkeyga waxaan ku soo gaba gabaynayaa in aan isku tashano oona la jaanqaado caalamka intiisa kale iyo inaan isku duubnaano sidii aan u hormanin lahayn dadkeena iyo dalkeena uguna ilaalin lahayn cadowga caloosha ka buka.
Cumar Mursal Yaxya. Jeddah |