|
Jaamaca Koonfurta Soomaaliya Oo La
Gaarsiiyay Deeq Kutubo Oo Aad U Muhiim ah
Baydhabo 24/01/2010
jaamacada koonfurta
Soomaaliya ayaa mahadbaaaran ujeedisay muwaadin soomaaliyeed oo deeq
kutubo laga daalacdo cilmiga soo gaarsiiyay maktabka jaamacadaasi
hogaanka sare ee jaamacada
koonfurta soomaaliya Proff. Maxamed Cali Klay ayaa mahad iyo
bogaadin balaaran u jeediyay Shariif Maxamed Cabdulaahi oo ah madaxa
(hay,ada Hilaalu Axmar) bisha casa dubay ahna madaxa dalada ABJAD oo
jaamacada koonfurta soomaaliya gaarsiiyay ilaa 75 kutub aad u qaali
ah .
Proff. Klay wuxuu sheegay
inuu aad ugu faraxsan yahay muwaadinkaan talaabada uu qaaday ee ku
dayashada mudan wuxuuna mahadcelintiisa ka sokow ugu baaqey dadka
jecel barashada culuunta kala duwan ee diinta iyo sharciga intaba
inay ka faaiideysan karaan kutubadaasi cusub oo maamulka jaamacaduna
u fasaxaya qofkii raba muraajac iyo barasho labaduba.

guud ahaan dhalinyerada reer
koonfur galbeed iyo kuwa kale soomaaliyaba waanu ku saacideynaa ayuu
yiri hormuudka jaamacada inay ka faaiideystaan mabtaba weyn ee laga
dhexfurey gudaha jaamacada koonfurta soomaaliya ee Baydhabo.
Shariifka deeqda kutubada ah
gaarsiiyay jaamacada koonfurta soomaaliya deeqda kutubada ah sh.
Maxamed cabdulahi xuseen ayaa ah shaqsi u taagan sidii umada
deegaanadaasi kor loogu qaadi lahaa dhinaca horumarka iyo aqoonta
waayo waxa uu ka hergeliyay Koonfurgalbeed dugsigii ugu horeeyay ee
heer dugsi sara ah, kuleej lagu xanaaneeyo Aqoonta iyo dhisida
tuulooyinka masaajidada lagu cibaadeysto.
hadaba su,aasha muhiimka ah
ee aan rabno inaan idin weydiino ayaa ah waa kee qofka la tartami
kara shaqsigaai oo caawinaya dadka dhibaateysan ama qalabeynaya
jaamacadii ahliga u aheyd qowmiyada iyo mansabka jiritaanka umada
koonfurgalbeed degta ama si kale dadkiisa u caawinaya?
|