Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gudiga fulinte ee jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacuudiga ayaa ku howlan sidii loo balaarin lahaa Gudiga fulinta


Jeddah Bdigilmirifle: 21/01/2010.

Gudiga fulinta ee jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacuudiga ayaa ku howlan sidii loo balaarin lahaa Gudiga fulinta kadib codsiyo dhowr ah oo kaga yimi qeybaga gudiga golaha dhexe jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacuudi Carabiya.
 

Shir jimcihii la soo dhaafey ay ku yeesheen xafiiskooda magaalada Jeddah kaasoo ay ka soo qeyb galeen dhamaan gudiga fulinta oo hor kacayey gudoomiyaha jaaliyada Cumar Mursal Yaxye iyo ku xigeenadiisa Cali Aadan Xasan Yarow iyo Corl. Yaxya Xasan Mursal  dood dheer kadib ayaa waxaa la isku raacey in la balaariyo xubnaha uu kuu koobanyahay gudiga fulinta ee jaaliyada.
 
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa inay markale kulmaan gudiga furlinta halkaas oo ayaguna lagu casuumi doono qeybaha kale ee ay ku koobantahay jaaliyada si halkaas loogu sii wado magacaabista ama doorashada shaqsiyaadka cusub ee ka mid noqon doona jaaliyada.
 
Jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacuudiga ayaa ka mid ah jaaliyadaha ugu fir fircoon waxkabadka iyo isku xirka gudaha iyo dibada.
 

wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com