Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Xaflad lagu soo dhaweynayo gudoomiye kuxigeenka baarlamanka DFG iyo wafdi uu hogaminayey oo lagu qabtey magaalada Jeddah dalka K.S.A.


 

Jeddah BDM Media 13/12/08

Xaflad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayey gudoomiye ku xigeenka baarlamanka dowlada federaalka kumeelgaarka ee Somaliya oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Diglmirifle ee dalka Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa lagu qabtey Hotel Safari ee magaalada Jeddah ee dalka K.S.A.

 

Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin tiro badan oo ka kala socdey jaaliyadaha Qowmiyahada kale Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sacudi Carabiya kuwaas, oo ay ka mid ahaayeen aqooyahano iyo ganacsato sida Nuur sheeq Madoobe Nuur Taajir, Eng. Maxamed Xaanshi, Xasan Maxamed Cali, Axmed Duube, Eng. Dahir Xusen Nuur, Cali aadan Cali Yarow iyo C/wahaab Xaaji Maxamed oo halkaas ka soo jeediyey qudbado aad u raali geliyey madaxdii xafladaas loo sameeyey.

 

Dr. Daahir Axmed Wehliye oo ah qunsul ku-xigeenka qunsuliyada Soomaalida ee magaalada Jeddah oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashey xafladaasi ayaa amaan aad u sareysa u soo jeediyey gudiga Jaaliyadda Digilmirifle oo hoshani isku xilqaamey.

 

Sidoo kale Qunsul ku xigeenka wuxuu carabka ku dhuftey in ay jiraan Soomaali badan oo dhibaateysan oo ku dawarsada dariiqyada loona baahanyahay in la helo jaaliyad ka warqabta dhadka dhibaateysan taas darteedna lagama maarmaantahay in la helo jaaliyad loo mideysanyahay  iyo in laga wada shaqeeyo wanaaga iyo isku xirka Soomaalida.

 

Dhinaca kale Prof. Maxamed Cumar Dalxa gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamanka DFG ayaa ka warbixiyey arimaha dalka wuxuuna guud ahaan Soomaalida ugu baaqey in ay ka wada shaqeeyaan nabadgeliyada sidoo kale wuxuu Soomaalida ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan siideynta maraakiibta ay haystaa burcad badeeda oo hoos u dhigeysa sharafta ay Soomaalida leeyihiin.

 

Gabagabadii xafladda ka dib mar wax laga weydiiyey imaanshihiisa dalka Sacudi Carabiya ayaa wuxu ku jawaabey inuu uu u yimi gudashada xajka balse inta uu halkaan joogey uu kulamo la qaatey madax sar sare ee ka tirsan boqortooyada wuxuuna ku amaaney sida marwalba ay u garab taaganyihiin Soomaalida " mana qabataa dad doonaya sidii ay Soomaali ku samata bixi lahayd in aan xoolahooda afduubano" sidaasi waxaa yiri Gudoomiye ku xigeen ka baarlamanka DFG Prof. Dalxa oo u waramayey warbaahinta wuxuuna ku baaqey siideynta maraakiibta la haysto.

 

 

Gudoomiyaha Jaaliyada Digilmirifle Eng. Cumar mursal Yaxya ayaa asina dhicisiisa ugu baaqey Soomaaliyada inay is raacaan wuxuuna yiri " hadii aan nahay jaaliyadda Digilmirifle ee soo qaban qaabisey xafladaan waxaan diyaar u nahay inaan isugu yeerno Soomaalida ku nool dalkaan si loo helo jaaliyad lagu wada mideysanyahay" waxaana lagu ayidey hadalkiisa ayadoo goobdii xaflada halmar ka soo yeerey dhawaaq sacab ah oo lamoodo sidii gugaca.

 

Isku soo wada duuboo xafladii xaley ayey ahayd mid qof walboo halkaas ka hadla uu amaan u soo jeediyo jaaliyada Digilmifile dowrka ay ka ciyaareyso isu keenista Soomaalida ayadoo horey qoomiydda digilmirifle ay dowlada DFG ugu soo dhaweeyeen hoygooda.

Riix halkaan Sawirada Xafladda

Click here more pictures 

 

wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com