|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Qatarta Tariibka Maxamed Nuur Ibraahim (Aasto) Beryahaan waxaa soo badanaya dadka u soo tahriiba wadamada Carabta ayagoo soo mara silsilado dhib ah oo isugu jira dhac, rafaad, oon iyo gaajo oo weliba ay u dheertahay dhimasho. Ereyga (Tahriib) marka lagu dhawaaqayo waa erey aad u sahlan oo dadka badani ay la fududahay ama marka ay maqlaan qof ayaa tahriiba oo wuxuu joogaa meel heblaayo ay durbadiiba maskaxdooda ku soo dhacda inay maraan wadada qofaas uu marey laakiinse arintu ay ka dhib badantahay sida loo maleeyo. Sida ay sheegayaan dadka ka soo badbaada bada ama bariga saxaraha ah farxad iyo raaxo inay ugu dameysey markii ay ka soo baxeen guriyahooda. tusaale ahaan marka laga soo baxo magaalada Muqdisho waxaad wadada kala kulmeysaa burcad mararka qaar iska soo xabadeeya gawaarida ay dadka saaranyihiin iyo dac iyo kufsi loo geysto rikaabka saaran gaarigaas sidoo kale marka la soo gaaro magaalada boosaaso oo badanaa laga dhaco waxa ay doonta ku raaci lahaayeen. Dadka soo tahriibaya oo isugu jira wiilal, gabdho, ciyaal iyo ciroole ayaa inta badan jirdil loogu geystaa inta ay saaranyihiin doonta ayagoo mararka qaar bada loogu tuuro si naxriis la'aan ah taasi waxaaba ka sii daran in mararka qaar doonda ay la socon wayso cilado farsamo sawabtoo ah doomanka dadka lagu soo qaado oo aad u duug ah hadana la buux dhaafiyo tiradii loogu tala galey. Kumaanka kun Soomaalida ah ee ku nafwaayey bada dhexdeeda waxay tusaale u noqon waysay dadka soo tahriiba oo waqtiba waqtiga ka dameysa ka tiro badnaanaya ayagoo si hubsiimo la'aan ah naftooda ugu soo biimeeya bada. Dhalanyarada soo tahriiba ayaa inta badan waxay ku sifeeyaan sawabta ku qasabtey inay soo tahriibaan ayagoo og qatarta ay leedahay bada iyo silsilada rafaadka ah ee ay soo marayaaan inta ay ku soo jiraan safarkooda ay tahay shaqo la'aantii dalka ka jirta oo ay u dheertahay dagaal iyo dilal is dabo-joog ah ayna ka doorbidayaan sidii ay ugu baxsan lahaayeen una heli lahaayeen meel nabdoon oo ay nafsadooda ku maareeyaan. Dhimashada ka sokow wiilasha yar yar ee soo tahriiba badanaa waxay u fududyiniin inay bartaan balwad ama isticmaalka maandooriyaasha taasoo ku kalifaysa mushkilada iyo cabsida ay marwalba ku jiraan iyo ayagoo heley xuriyad buuxda oo aanay jirin cid la hadasha kana celisa waxyaabaha xun xun kadib markii ay ka soo tagaan waalidkooda halka gabdhahana ay la kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin kufsi. Hadaba hadii hadafkii loo soo baxay uu ahaa in la helo shaqo oo qofka naftiisa iyo tan waalidkiisa wax ugu tari karo ma'aha taas mid inta badan dadka soo tahriibo ay helaan 93% waxaa lagu qabtaa xuduuda u dhexeysa Yaman iyo Sacuudiga waxaana loo musaafuriyaa meeshii ay ka yimaadeen inta harteyna badanaa ma helaan shaqo habeen maalin waxay ku fikiraan in mar un la tarxiili doono ( la musaafurin doono) waayo ma haystaan warqadaha dalka lagu joogo oo waxay ku soo galeen sharci daro inta hesha shaqooyinka dhuumaaleysiga ah oo faro ku tiris ah ma helaan shaqooyin raaxo badan aqoon kastoo ay leeyihiin ugu dambeyntiina waxay diyaar u yihiin musaafuris. Maadaama ay arinku uu sidaa yahay waxaa fiicanaan lahayd in Soomaalida Rabigooda tala saartaan oo ay iska dhaafaan qatarta ay naftooda soo gelinayan inay iskana daayaan inay isu dhiibaan burcada caadiyeysatey in walaalahooda bada ay ku daadiyaan habeen iyo maalin BDM-Media Office. Jeddah |