|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Yaa ka dambeeya oo lagula xisaabtamaa? Cumar Mursal Yaxya Soomaaliya maanta waxaa haysta arin musiibo Rabaani ah aan horey loo arag taasoo taasoo ay gacantoodu ku kasbadeen balse waxaa loo baahanyahay in dib loo xisaabtamo kadibna falalka xunxun laga waantoobo eebana loo noqdo ayadoo ay haboonaan lahayd in sidaa la sameeyo hadana ma muuqato ee weli dhibka wuu sii socdaa.
Hadii aan dib ugu noqono bilowgii masaiibadaan waxaa sawabey faragelintii kitaabkii Alle iyo burburinteeda iyo xadgudubkii lagu yiri (Faqash) taasoo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku nafwaayeen. Sidoo kale waxaa jira waxyaabo badan oo in dib loo xasuusto u baahnayn oo lagu kacay iyo markii labaad oo hadana biloobatey gumaad, barakicin iyo arimo fool xun oo loo geystey magacyo kale oo layaab leh sida looma ooye looma aare taasoo markii la macneeyey kuwa aan hubka haysan dadka dilin Alle ka cabsiga la fadhiya iyo arimo badan oo qoraal iyo sheeko lagu soo koobi karin oo ilaa iyo hada socoda. Waa su'aalee sidee in loogu baxo aad rabtaan? Yaase ka dambeeyey falkaas oo lagula xisaabtamaa? Waxa intaa ka sii fool xun in arintii weli la fahmin oo sii socota.
Beriyahaan waxa ka dhacayo gobolada dhexe iyo bari gaar ahaan Boosaaso waa wax aad loogu xumaado xunuun badana ay reebi karto marti dowris la'aanta ay ka socoto iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan lacagahooda laga dhaco kadibna bada lagu daadiyo hadana ay san jirin cid ka hadasha arintaas xukuumad ama odeyaal intaba taasoo dadka khaar ay si weydiinayaan in burcada falkaas geysaneysa raali loogu yahay runtii dhacaan ma ahan mid ay iska sameynayaa dhalinyarada doomanka wata ee waa wax nidaamsan layskuna ogyahay kana dambeeya dad mas'uul ah oo goboladaas dega taas waxaa daliil ugu soo qaadan karnaa mar iyo labo ma aha ee waa boqolaal jeer oona laga hadleyn laguna danqaneyn.
Sidoo kale waxaa tusaalo nagu filan dhowr markab oo burcad badeeda ku qabsatey meel u dhow meelahaas dadka lagu laynayo waa tan odey iyo dowladba ka hadleen ee maxaa loogu hadli waayey dadka Soomaalida ah oo kumaanka kun ah oo maalin weliba bada dhexdeeda lagu daadinayo ayagoo markoodi horeyna lagu soo bara kiciyey guriyahoodi iyo beerahoodi yaase ka dambeeya oo lagula xisaabtami doonaa? Jawaabta waa looma ooyaan oo naftooda wax qiimo ah ma lahan laakiin hala ogaado dadka falkaan ka dambeeya iyo kuwa fulinaya intaba, falkaan waxaa idinkula xisaabtami idinkana jaasin doona Ilaaha Weyn oo Awooda Badan. Dhibka aad sameyneysaan idinka ayaa ku dambeyn doona Inshaa Alaah.
Ugu dambeyntii waxaan kula talinayaa dhalinyarada hooyooyinka iyo dhamaan inta rabto in ay badda nafdooda ku halaaga ka jooga oo Allahiina ku aamina meesha aad joogtaan Asaga ayaa idinku badbaadinayee.
|