Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

Date: 21/07/2008

  Ku: Golaha odayaasha dhaqanka Digilmirifle.

      Golaha siyaasiyiinta iyo aqoonayahanada DM                 

      Golaha culmaa'udiinka ahlu suna wal jameeca.

      Dhaman qowmiyada Digilmirifle meelkasto oo ay joogaan.

 

 

Ujeedo: Hambalyo iyo mahad celin.

 

Anigoo ku hadlayo magaca jaaliyada Digilmirifle dalka boqortooyada Sacudi Carabiya iyo keyga waxaan umadda Digilmirifle meelkasto ay joogaan ugu hambalyeyneynaa guusha weyn laga gaarey dhismaha golaha odayaasha dhaqanka Qowmiyada Digilmirifle waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa Golaha siyaasiyiinnta iyo aqoonyahanada Digilmirifle, dalada ahlu suna wal jameeca iyo intii sida toooska iyo sida dadban ugu kheyb qaadatay iyo intii suura gelisay khabsomida shirkaas iyo meelmarintiisaba.

 

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneyaa gudoomiyaha golaha odeyaasha Digilmirifle MD. Malaaq Axmed Maxamed Yacquub waxaane eebe ugu baryeynaa in xilkan weyn in illahay la garab galo anaguna si buuxda ayaan u taagyeersanahay. Wax walbana waan la garab taaganahay mamulka iyo gudoomiyaha iyo guud ahaan Digilmirifle.   Waxaan u mahad celineynaa golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle culumaa'udiinka Digilmirifle gaar ahaan Ahlu suna wal jameeca intii suura gelisey inuu qabsoomo shirkan lagu najaxay, intii gacan ka geysatey gudaha iyo banaanka meel kasto ha joogaane sidoo kale waxaa mahad noq iyo amaan mudan dhamaan odey dhaqmeedka Digilmirifle oo muujiyeen dulqaad, adkeysi iyo isku tanaasul aan la qiyaasi karin iyagoo dhadhiyey mudo 2 bil iyo 9 maalmood.

 

Waxaa mahad gaar ah mudan gudoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada DM prof. Ibraahim Muse (Herow) iyo gudoomiyaha Gudiga culmada ahlu suna wajameeca sheikh shariif axmed (Sarman) iyo gudigiisa sidoo kale waxaa amaan mudan gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Sh.Aadan Madoobe) oo si hufan u garab istaagey shirka iyo dhamaan 61da xubnood 2 gole dowlada uga jirta Digilmirifle.

 

Gudiga jaaliyada DM ee sacuudiga iyo safiirka dalka kuweyt u fadhiya soomaaliya DR C/Qaadir Aamin.

Saraakiisha Digilmirifle iyo intii niyada ka taagereysay.

Qoraalkeyga waxaaan ku soo gunaanadayaa howl waa bilow ee hada ayey reg rabtaa Digilmiriflow dadaal ayaa la idinka rabaa Dm isku duubni ayaa la idinka rabaa. Digilmifile dadkiina iyo dalkiina u soo jeesta maamulka hala taageero hana lagu taageero hoo iyo howl badan wax walibo la doono hadiiba lagu dadaalo waa la gaarayaa.

 

Wa bilaahi towfiiq

 

G/jaaliyada Digilmirifle KSA.

Cumar Mursal Yaxya ( Cumar Boongo)

BDM-Media Office. Jeddah
info@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com