Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Xaflad logu soo bandhigayey wax qabadkii jaaliyda Dm dalka K.S.A mudadii ay soo jirtey  ayaa lagu qabtey magaalada Jeddah dalka K.S.A.


30/08/08 Jeddah -BDM Media:

Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo looga hadlayey wax qabadkii Jaaliyada Digilmirifle dalka Sacudi Carabiya tan iyo mudadii ay soo jirtey kalfadhigii 1aad iyo kalfadhigii 2aad isla markaana lagu dhisey golaha dhexe ee jaaliyada Digilmirifle ayaa lagu qabtey hotel Safari ee magaalada Jeddah dalka boqortooyada Sacudi Carabiya.

Xafladaan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Digilmirifle oo isugu jira Aqoonyahan, Culmaa'udiin, Ganacsato, dhalinyaro, hooyooyin, kooxda fanka iyo weliba ayadoo meesha ka marnayn sidey u wada dhanyihiin xubnaha gudoonka jaaliyada Digilmirifle oo howsha soo qaban-qaabiyey.

Munaasabadaan oo qiimo weyn ugu fadhisey dhamaan  jaaliyada  bulsho weynta Digilmirifle ee dalkaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa halkaasi waxaa ka hadley inta badan ee xubnaha gudiga fulinta ee jaaliyada DM dalka K.S.A. oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha jaaliyadda Digilmirifle mudane Eng. Cumar Mursal Yaxye, gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Cali Aadan Xasan, gudoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Col. Yaxya Xasan Mursal, Xoghayaha guud Mudane Prof. Muxidiin Macalin Isaaq, Xog/ baarista iyo dabagalka Mudane Gole Iidow, Xog/ xiriirka jaaliyadaha iyo safaarada Mudane Cabdulaahi Maxamed Maxamuud (Kuusow), ku xigeenka Maaliyada ahna qasnajiga Mudane Cabdi wahaab Xaaji Maxamed, afhayeenka jaaliyadda Mudane Jalaal Maxamed Xasan, Xog/ Malaaqyada jaaliyada Mudane Sheikh Yuusuf, Afhayeenka 2aad ahna Tafatiraha Website-ka Bdigilmirifle.com Mudane Maxamed Nuur Ibraahim Aasto iyo Faadumo Aadan Sheikh iyo sidoo kale  marti sharaf kale.

Waxaa halkaasi si tafatiran loogu soo bandhigey wax qabadkii jaaliyada tan iyo markii la aas aasey waxyaabihii ugu weenaa oo u suurta galey sida qabsoomida doorashooyinkii kala duwanaa iyo gacantii ay ka gaysteen shirkii dib u heshiisinta dhabta ahaa oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Golaha aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle. jaaliyadda Sacudi Carabiyana ay kaalin mugleh ka qaadatey dhinaca dhaqaalaha.

Dhambaal golaha aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle ay u soo direen Jaaliyada ayaa lagu Aqriyey halkaas kaasoo isugu jirey aqoonsi in jaaliyada DM dalka K.S.A ay yihiin jaaliyada matasha bulsho weynta Digilmirifle ee ku dhaqan dalka K.S.A iyo mahadnaq loo soo jeediyey jaaliyada dowrkii shariifka ee ay ka qaateen shirkii dib u heshiisinta dhabta ahaa ee qowmiyada Digilmirifle.

"Waxaa xusid mudan halgamayaashii Digilmirifle Alla ha u wada naxriistee hogaamiyihii Hisbiya Digilmirifle (HDM)  marxuun Ustaad Cusmaan Maxamed Xuseen,  marxuun Macalin Cumar iyo marxuun Axmed Rashiid Sheekh Maxamed (Qul Qul) marxuun Cadiqaadir Maxamed Aadan (Zop) Gdoomiye kuxigeenkii AAR marxuun Abuukar Sheikh Maxamed nuur marxuun Cabdalla Deerow Isaaq Alla ha u wada naxriistee oo dhamaantoodba ku hami weenaayeen helida maamul goboleed ilaa qaar ragaasi ka mid ah lagu dilo shirqool. sidoo kale waxaa amaan u soo jeedinaynaa halgamayaashii hore ee RRA Mudane Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud, Sh Aadan Maxamed Nuur iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade kuwaasoo la'aantooda aan heerkaan la soo gaari lahayn " sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha jaaliyadda DM dalka K.S.A. oo ka faaloonaayey ragii naftooda u soo hurey helida xaqa Digilmirifle iyo marxalada haatan lagu jiro.

Marka la eego dhinaca fanka waxaa kaalin tooda ka soo baxay fanaaniita caanka ah sida Mustafa Sheekh Aadan iyo Suleymaan Adan (Andarea) iyo gabiyaaga weyn ee Garaad Cusmaan Caliyow Bakaar oo halkaas tix layaable ka aqriyey iyo kooxda Hakaba Band oo horkacaysey fanaanada caanka ah ee Hindiyo Ibraahim Gambar iyo Arboon Guudow dhamaan fanaaniinta waxay halkaasi ka soo bandhigeen heeso wadani ah.

Mudane Cumar Boongo sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyey xaqa Digilmirifle in la heli karo keliya marka la helo maamulgoboleedka lagu wado in la dhiso taasina ay u baahantahay in qof kasta oo ah Digilmirifle inuu ku biiriyo hantidiisa, aqoontiisa iyo waqtigiisa si loo helo hogaan mideysan oo u adeega umada.

Sidoo kale Jaaliyada waxay dhambaal nabad geliyo iyo walaaltanimo u dirtey dhamaan umada Soomaaliyeed ayagoo ugu baaqey inay gacmaha is qabsadaan "Qowmiyadu waxay weligeed ka soo shaqeyn jirtey nabadgeliyada dowladaha horey u marey anagaa kaga soo horeyney soo dhaweyn iyo magan geliyo, qofkii meel kale ka soo carara waxaan siin jirney beer iyo guri iyo dhalasho taasina waa mid ay ku soo dhaqmi jireen qowmiyada mar hore" sidaasi waxaa yiri Cabdi wahaam Xaaji Maxamed wuxuuna intaasi raaciyey in wada noolaashaha aysan dhib keeneynin laakiin qowmiyada aysan u dulqaadan doonin in dhuulkeeda la sii haysto.

"Jaaliyada Digilmirifle ee Sacuudiga weligood waxay u taagnaayeen taagyeerida qowmiyada sida xiligiyadii SDM iyo RRA gacanta ugu weyn dhaqaalaha waxay ka heli jireen jaaliyadeena" sidaasi waxaa yiri Cabdulaahi M. Maxamuud Kuusow wuxuuna intaasi sii raaciyey inay weli daba joogaan sidii loo heli lahaa xaqa ka maqan.

Qudbadaha halkaasi laga soo jeediyey ayaa dhamaan waxay ku mideysnaayeen in la taageero dhisida maamul goboleedka koonfur galbeed si buuxdana gacan loogu wada gaysto hiil iyo hooba, in jaaliyaddaha Digilmirifle ay u soo wada jeestaan gacan dhaqaalena ay u fidiyaan howlaha ay wadaan golaha aqooyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle iyo in gargaan bani'aadanimo loo fidiyo dadka dagaalada ka soo baracay ee ku jira xerooyinka qaxootiga.

DAAWO SAWIRDA XAFLADDA.

BDM-Media Office. Jeddah
Nuuraasto@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com