Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Imtixaan lagu qabtey jaamacada koofurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka soo qey baley in kabadan 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar .


04/09/08 Baydhabo-BDM Media:

Maanta oo ay taariiqdu tahay 03/09/2008 ayaa in ka badan 50 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ay ka soo qaygaley imtixaan lagu qabtey jaamacada koofurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

 

Dr Maxamed Cali  Kalaay oo ah afhayenka jaamacada koofurta Soomaaliya  ayaa u xaqiijiyey websiteka bdigilmirifle in weli ay is qoristu socoto lana soo dhaweynayo cid alaale cidii daneynaysa arintaas.

 

Sidoo kale Dr Kalay ayaa ugu baaqey dadka waxbarashada jecel inay iska soo xaadiriyaan xuruunta jaamacada koofurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

 

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili ay sii kordhayaan codsiyada kala duwan ee ka imaanaya dadka waxbarashada jecel ee ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamanka DFG Soomaaliya.

 

Sikastaba ha ahaatee arintan waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolada ku dhow magaalada Baydhabo.

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com