|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
2 shariif oo soo dhaweyn yari kala kulmeen jaaliyada Soomaaliya ee Sacudi Carabia Mardhoweyda waxaa sacuudiga soo gaarey oo cimro ku jooga 2 shariif iyo 3 qofood oo ku wehliya safarkooda waxayna deganyihiin hotel ka mid ah hotelada ku yaala magaalada Jeddah jimcihii 04/10/2008 salaada jimcaha ka dib waxaa bilaawatey isu imaatin oo lagu balansanaa kadib waxaa bilaabatey waxay ugu yeereen xaflad balse aan la dhihi karin xaflad waayo labada sharif waxay yihiin Soomaalida oo dhan way ka wada dheregsanyihiin balse uma baahna in laga faaloodo ee waxaa la yaab noqotey kuwa u aruureen oona hadalka ka dhagaysteen marka aad fiirisid Soomaalida waxa lagu tilmaamaa in ay caadiyeesteen ninkii dadka laaya inuu ugu sharaf badan yahay.
Hadaba arinkaasi ma wada qabto Soomaalidoo idil ilaa kuwo yar oo faro ku tiris ah oo meelkastana jooga kuna xirneyn tolkooda iyo dadkooda intaba balse u daran danahooda gaar ahaaneed waxaana tusaale ugu filan kuwa la kulmey labada shariif. Soomaalida ku nool Sacuudiga 99% way diideen aad ayeyna ugu xumaadeen in lala kulmo dadkaas.
Arintu si kastaba ha ahaatee waxaan umada Soomaalida u sheegeyaa in falkaas aan raali laga ahayn Sidoo kale bulsho weynta Digilmirifle maamulkeeda iyo shacabkeeda arinkaas kama qeyb galin wax lug ahna kuma laha cidii tagteyna waxaan u aqoosanahay in ay ku faraxsantahay dhibaatada Soomaaliya haysata.
Ugu dambeyntii Soomaalida guud ahaan waxaa kula talinayaa kuwa siyaasiyiinta isu qabo oo fashilmay in ay ka tanaasulaan siyaasadoda meel mari weysey Soomaaliduna ka dhexbaxaan si ay dib isu soo dhisaan. sharaf toda iyo karaamadooda aad lumiseen dib ugu soo ceshtaan dil iyo dhac wax waad ku hagajin weyseen.Waxaan kula talinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ilaah loo noqdo leyskana daayo madax adeega kibirka ku adkeysiga gardarada aan lagu meel mareyn ..
Cumar Mursal Yaxya |