|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Soo dhaweyseene maxaad ka dhaxasheen Waxaa beryahaanba reer Baydhabo wehel u noqdey cabsi iyo wedno-kurkur qofkastana wuxuu ku fikirayaa goormee laguu imaanayaa hadii aad gurigaada ka baxdo dibada maxaad kala soo kulmi doontaa maka badbaadi doontaa mowjadahaan colaadeed is daba socda habeen iyo maalin.
Waxaana si is dabajoog ah u dhaca dilalka micna darada ah ee loo geysto dadka aan waxba galabsan ee barimageydada ah ayadoo aysan jirin cid u hadasha iyo cid ka hadasha arintaas waxaase wax laga xumaado ah mas'uuliyiinta xukuumda kumeelkaarka oo aan weli sameyn qito ama hab lagu abuuro nabadgelyo balse taladooda noqotey meeshii wax lagaaga soo tuuro u tuur taasoo marwalba dhimasho iyo dhaawac fara badan ka soo gaara dad misaakiin ah oo waxba galabsan.
Hadii labada dhinacba la waayey cid u naxda shacabka misaakiinta ah hadaba mas'uuliyiinta Digilmirifle guud ahaan iyo kuwa ka arimiya gobolka Bay maxaa ku haboon inay ku dhaqaaqaan?. Jawaabtuse way cadahay waxaa ku haboon mas'uuliyiinta Digilmirifle inay qaataan talaabo ay ku sugayaan amaanka shacabkooda iyo intii ku dhex nool gobolka Bay. Xitaa hadii talaabadaas ay noqoto in dowlada laga saaro gobolka Bay waayo waxay ku guul dareysatay dowlada inay sugto amaanka shacabka xitaa aan la qeybsan dhibka waayo masuulkasta waxaa ku wareegsan derbi ciidan ah ama maleeshiyo asiga gabaad u ah taas oo ay macnaheedu noqoneyso naftayda ayaa ii daran mida shacabkana shaqo kumalihi isku soo wada duub dhibka maanta maxaa wehel ugu dhigey shacabka G/Bbay iyo G/Banaadir? Miyeysan lahay dad mas'uuliyiin ah 2 gobol miyeysan lahayn aqoon-yahan? Miyeysan lahayn culmaa'udiin? Miyeysan lahayn indher garad. Hadaba ogaada shacabkiina in uu xil idinka saran yahay qiyaamaha la idinkula xisaabtamidoono. dowladu soo dhaweyseene maxaad ka dhaxasheen.
Cumar Mursal Yaxya |