Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jaaliyadda Digilmirifle K.S.A oo si aad ah loogu soo dhaweeyey magaalada Jeddah ee dalka K.S.A


Jeddah 29/11/2008 Jaaliyadda Digilmirifle ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo shaley shir waqti badan qaatey la yeesheen gudoomiye ku xigeenka 2aad ee jaaliyadda Digilmirifle K.S.A oo safar booqasho ah kaga maqnaa dalka Ethiopia.

Shirkii caadiga ahaa ee jaaliyadda ay yeelan jireen isbuuc walba maalinta jimcaha ah ayaa shaley wuxuu ahaa mid xiiso badan leh kadib markii gudoomiye ku xigeenka 2aad Col. Yaxya Xasan Mursan ( Yaxya wadaadow ) ku soo laabtey magaalada Jeddah ee dalka K.S.A asagoo warbixin kaga sidey isla jaaliyda Digilmirifle ee dalka Ethiopia

Soo dhaweyn kadib waxaa la guda galey in laga dhageysto waxyaabihii uu kala soo kulmey walaalaha Digilmirifle ee ku dhaqan dalka Ethoipa warbixinta gudoomiye kuxigeenka oo isugu jirtey amaan uu u soo jeediyey jaaliyadda Digilmirifle ee dalka Ethiopia oo sheegey inay aad u dareensanyihiin waxyaabaha ka dhacay dalka gudihiisa iyo in midnimada Digilmiriflena ay aad isugu howlayaan.

Col. Widaadow ayaa sheegey inuu la kulmey inta uu joogey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopa siyaasiyiin aqooyahano oo  u dhashey qowmiyada Digilmirifle kuwaas oo dhamaantood ka wada hadleen sidii loo wadi lahaa isku duubnaanta iyo midnimada Digilmirifle.

Sidoo kale gudoomiye kuxigeenka wuxuu sheegey in kulamo kala duwan la yeeshey Jaaliyada Digilmirifle oo loogu hadlayey hormarinta arimaha Qowmiyadda Digilmirifle iyo taagyeerida Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Digilmirifle iyo Golaha Aqooyahanada iyo Siyaasiyiinta Digilmirifle howlaha ay ka wadaan dalka gudihiisa 

Gudoomiyaha jaaliyada Digilmirifle ee dalka Ethiopa Cumar SDM ayaa asna dhankiisa amaan aad u weyn u soo jeediyey jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sacudi Carabiya howlaha iyo taakuleynta ay dadkooda u hayaan had iyo jeer

Ugu dambeyntii gudoomiye kuxigeenka wuxuu ka qeyb galey xaflad aad u weyn oo ay sameysteen Jaaliyada Digilmirifle taariiqdu markey ahayd 13/11/2008 taasoo lagu soo bandhigayey muhiimada ay leedahay isku xirnaashaha qowmiyada iyo in la helo midnimo gudoomiye ku xigeenka ayaa shabakada warbaahinda bulsho weyntya Digilmirifle www.bdigilmirifle.com u balan qaadey inuu u soo gudbin doono cajalad sidii ay u dhacdey xafladaas oo ah mid aad u xiiso badan 

wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com