|
Jaamaca Koonfurta Soomaaliya Oo deeq
waxbarasho ugu dheeqdey dhalinyarada beesha Eeyle
Baydhabo 27/01/2010
Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid ugaaska beesha Eeyle lagu war
gelinaayay in jaamacada koonfurta soomaaliya ay diyaar u tahay in
gacan qabato dhalinyerada beeshaasi sidii ay ula jaan qaadi
lahaayeen bulshada inteeda kale.
Proff. Maxamed Cali Klay hormuudka jaamacada koonfurta soomaaliya
iyo ugaaska beesha Eeyle Malaaq Mad Sabarow Xuseen ayaa waxay ka
wada hadleen sidii jaamacada koonfurta soomaaliya ay ugu lug yeelan
lahaayeen dhalinyerada beesha uu ugaaska u yahay malaaq mad sabarow.
Hormuudka jaamacada koonfurta soomaaliya wuxuu u balan qaaday malaaq
mad sabarow ilaa dhowr dhalinyero oo ilaa dugsi dhexe soo
dhameysatay inuu keensado jaamacaduna ay u balan qaadeyso ilaa heer
jaamacadeed inay qarashaadka ka bixin doonto dhalinyeradaasi.
Malaaq Mad Sabarow xuseen malaaqa Beesha Eeyle wuxuu si aad ah ugu
hambalyeeyay jaamacada koonfurta soomalita wuxuuna sheegay in
weliguusa intii uu ku noolaa gobolka Baay aan maqlin hadal ah
caruurtaada keenso aan wax kuu bare weliba lacag la,aan.
sabarow wuxuu sheegay in cariirtiisa iyo kuwa la deriska ahba ay
nasiib daro weligooda aan aadin iskool waxbrasho balse uu hada
raadinayo Eeylada kale ee Eeyla Buurta iyo Kuwa kale hadii ay
haayaan Arday soo dhameysatay waxbarashada ilaa dugssi dhexe.
sabarow oo aad u faraxsanaa ayaa sidoo kale wuxuu ka codsadey hadii
ay suura gal tahay walaalaha soomaaliyeed dalka iyo dibada joogo
inay dadka Eylada ay qabaan dhibaatooyin badan balse hada uu codsan
lahaa in loo dhiso dugsiyo lagu barto Qur,aanka iyo iskoolaad yer
yerma ahan buu yiri dhismooyinka aan rabno dhac ama sar ee waa
caarish loo dhisayo sida Baraako oo kale.
Sikastaba ha ahaatee waxay noqoneysaa talaabadaan ay qaadey
jaamacada koonfurya soomaaliya talaabadii ugu horeysay ee nooc
waliboo ay ahaadaan arday kasoo jeeda koonfur galbeed soomaali deeq
wax barasho loogu deeqo oo heer jaamacadeed ah ayadoo tiradooduna
kor u dhaafeysa kuwa ka faaiideysanaya xiligaan deeqdaasi waxbarasho
in kabadan 25 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
FG: cidii daneynaysa walaal Mad sabarow Xuseen Malaaqa Beesha Eeyle
fadlan kala xiriir
Tell: +2521-5309937
|