|
Xoolufin aad u ba'an oo lagu hayo
deegaanada gobolka Sh/Hoose iyo qeyb ka mid ah Jubooyinka
Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in
magaalooyin ka tirsan Gobolkaasi inay ka socdaan howlo lagu xaalufinaayo
dhirta Gobolkaasi, iyadoo magaalooyinka ay howlahaasi ka socdaan ay ka mid
yihiin Magaalooyinka Marka Baraawe, Qoryooleey iyo tuulooyinka hoos taga
gobolka Sh/Hoose.
Dhirtaan xaalufinta lagu hayo ayaa loo isticmaalayo Dhuxusha la shito,
iyadoo xiligaan Dhuxusha laga dhoofinaayo dekadda Degmada Baraawe waxaana
Dekadaas ku xiran labo doonyood, kuwaasi oo doonaya in ay halkaasi ka qaadan
rar Dhuxul ah, taasi oo loo qaadayo dalal ka mid ah Khaliijka.
Dekedda degmada Baraawe ayaa xiliyadii dambe noqotay halka laga dhoofiyo
Dhuxusha, iyadoo dhirta laga soo jarayo inta u dhaxeysa degaanada Baraawe,
degmada Jilib iyo weliba qaybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose, sidoo kale waxaa
iyana xaalufin ba’an ay ka socotaa degaanada Janale, Mushaani, Waagaadim oo
ka tirsan Jiidda Janaale ee Gobolka sh/Hoose kuwsoo naafeeyay Geed Miroodka
sida Canbaha, Beydaanka iyo geedaha aan miraha laheyn sida Shawriga,
Baxaasaafka, kuwaasoo ay gurayaan dad wax ma garato ah loona isticmaalo
dhismaha guryaha dabaqyada iyo alaabta jiifka qaarkoodna ganacsi ahaan loogu
soo qaado dhinaca magaalada Muaqdisho.
Dhinaca kale xaalufintani ku soo korodhay degaanada gobolka Sh/Hoose ayaa
waxay abuuri kartaa dhibaatooyin xoogan oo ay ugu horeyso barakac dad iyo
duunyaba waxaana loo baahan yahay in laga hortago iyadoo ay haatan muuqan
cid wax ka qabaneysa xaalufinta dhirtaasi oo mustaqbalka dhow keeni karta
nabaad guur ku yimaada Deegaanka.
wararka@bdigilmirifle.com
|