|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Waxaa magaalada Baydhabo dil qisaas ah lagu fuliyey ninkii diley taliyaha daraawiishta Gobolka Bay Guddiga amaanka Gobolka Baay ayaa fuliyay go'aan ka soo baxay Maxkamadda gaarka ee Ciidamada kaas oo dhigayay in la toogto nin ku eedeysanaa inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihiin Daraawiishta Gobolka Bay oo horaantii isbuucaan lagu dilay gudaha Magaalada Baydhabo.
Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa waxay gudaha magaalada Baydhabo ku dileen Taliyihiin Daraawiishta Gobolka Bay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Af-gub.
Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey ayaa xaqiijiyay in ninkii dilay taliyaha la qisaasay isla markaana sababta loo dilay ninkaas ay tahay markii Maxkamadda Ciidamada ku heshay waa sida uu yiri caddeymo fara badan.
Dilka loo geystay Taliyahan ayaa wuxuu la xiriiraa dilal dhawaanahan ka dhacayay magaalada Baydhabo oo qaarkood loo geystay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba qaar ka mid ah madaxda Gobolka Bay.
|