|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Shir jaraa'id oo ay qabteen golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle KU: Warbaahinta Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisa Ujeeddo: War Saxaafadeed Taariikh: 5/10/2008.
Kulan ballaaran oo ay xaruuntooda ku yeesheen maanta taariikhdu ay tahay 5/10/2008. Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Qowmiyadda Digilmirifle ayaa waxay ku soo saareen war saxaafaded ku aadan qodobada hoos ku qoran
Kulankaasi waxaa si weyn loogu gorfeeyey xaaladaha uu maanta Wadanka uu maraayo guud ahaan gaar ahaan Degaanada Digilmirifle, iyadoo diiradda lagu saaray waxyaabaha cusub ee ku soo kordhay kuwaasoo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameyd sanaayo Waxgaradka, Xirfadlayasha, Ganacsatada sidoo kale ayadoo lagu garaacaayo magaalooyinka waaweyn sida Magaalada Baydhabo madaafiic aan loo midaan dayin saqdii dhexe taasoo lagu argagax gelinaayo shacabka ku nool magaalada laguna xasuuqaayo maatida waxaa intaasi dheer oo la yaab ah in Hayadaha Samafalka ee daryeelaayo danyarta iyo dadka soo barakacay kana shaqeeynayo Horumarinta Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha loo hanjabo lana bililiqaysto isla markaana laga horistaago howlihii ay u haayeen Bulshada.
Sidaas awgeed Golaha wuxuu ku baaqayaa kuwa ku hawlan arimahaasi in ay ka waantoobaan isla markaana ay ka joojiyaan falalkaas foosha xun iyadoo Goluhu ay u arkeen in arimahaasi laga soo diyaariyey meelo ka baxsan Degaanada Digilmirifle laguna doonaayo in lagu burburiyo laguna ciribtiro jiritaanka Qowmiyadda Digilmirifle.
Wa bilaahi towfiiq. Guddomiyaha Golaha Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirlfe Prof. Ibraahim Muuse Heerow
BDM-Media Office. Baydhabo |