|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle | ||||||||||||||||||||||||||||||
|
Seminar loo qabtay Malaaqyada iyo salaadiinta Digilmirifle 23/10/08 Baydhabo-BDM Media: Seminar loo qabtay Malaaqyada iyo salaadiinta Digilmirifle siminaarkaasoo ka dhacay xarunta C.R.D (Center for research and dialogue), ee Baydhabo, seminaarka wuxuu socday muddo dhan lex maalmood oo ka bilaabaneysa 06/10/2008 ilaa 11/10/2008, waxaana ka soo qeybgalay malaaqyo ay tiradoodu gaareyso 50 malaaq oo dhamaantood xubno ka ah Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Digilmirifle oo uu hogaaminayo guddoomiyaha GMSDM Malaaq Axmed Maxamed Yacquub. Seminaarka waxaa loo qeybiyay afar weji oo kala ah: - Wejiga 1aad (face one) isniin iyo talaado taariikh 06/10/08 ilaa 07/10/08 - Wejiga 2aad (face two) arbaco iyo khamiis taariikh 08/10/08 ilaa 09/10/08 - Wejiga 3aad (face three) Jimco taariikh 10/10/08 - Wejiga 4aad iyo xiritaan (face four) sabti taariikh 11/10/08 Malaaqyadana waxaa loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah: - 15 malaaq oo ka qeybqaadaneysa seminaarka wajigiisa koowaad oo ah Isniin iyo Talaado - 15 malaaq oo ka qeybqaadaneysa seminaarka wajigiisa 2aad oo ah Arbaco iyo Khamiis - 10 malaaq oo ka qeybqaadaneysa seminaarka wajigiisa sedaxaad oo ah Jimco - 10 malaaq oo ka qeybqaadaneysa seminaarka wajigiisa afaraad iyo xiritaanka seminaarka oo ah Sabti.
seminaarka wuxuu si toos ah u bilawday 06/10/08 saacaduna ahayd 8:00 subaxnimo waxaana lagu furay aayado quraanka kariimka ah waxaa seminaarka macalin ka ahaa Dr. Maxamed Maxamuud Afrax (Daqarre) iyo kaaliyihiisa Muqtaar Qaasim Aadan.
Shaxda hoose waxaa ku muujisan qaabka uu u socday seminaarka iyadoo maalin kasta lagu furayay aayadaha Quraanka kariimka.
Xubnaha malaaqyada ee ka qeybqaadanayay seminaarka aad bay ugu qanceen duruusaha laga bixinayay seminarka ayadoo dhinaca kalena Dr. Afrax oo ahaa macalinkii bixinaayay casharada siminaarka uu ku qancay isla markaasna waayo aragnimo dheeri ah u korodhey isagoo baranaya dhaqanka iyo xeerarka u yaala qoomiyadda Digilmirifle iyaga dhexdooda iyo la dhaqanka deriska kale ama qoomiyadaha kale taasoo ahayd dhaqan soo jireen ah oo sanado fog lagu soo dhaqmi jirey.
Seminaarka waxaa la xiray maalintii sabtida taariikhduna ahayd 11/10/2008 waxaana la isla gartey in uu ku dhamaadey si guul ah, labada dhinacna waxay is dhaafsadeen fikrad ah in hadda wixii ka dambeeya la isla soo xiriiro oona la yeesho wada shaqeyn.
Baydhabo |