Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

 

SHIR 3 GEESOOD AH OO AY WADA QAATEEN culamaa’udiinka iyo Guddiga fulinta GMSDM iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe ee GMSDM.


 Jeddah BDM network 27/10/2008

Shirka waxaa lagu furay aayado quraanka kariimka ah ka dibna waxaa hadalka qaatay Sheekh Isaaq Ibraahim oo ka socday Dallada culamaa’udiinka Ahlu-suna wal-jamaaca ee uu fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo isagoo sheegay in ujeedada booqashadoodu tahay siyaaro, isagoo sheegay in culamaa’udiinka Ahlu-sunna iyo Golaha (GMSDM) ay isugu dambeysay markii la xirayay shirkii lagu soo dhisay GMSDM ee ka dhacay Caalim Center muddadii intaas ka dambeysayna Golaha uu ku mashquulsanaa dhismaha iyo dhameystirka Guddiga Fulinta iyo Guddiyada kale.

 

Dhinaca GMSDM waxaa goob joog ka ahaa Guddiga Fulinta iyo xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee isla guddigaas oo ay magacyadoodu kala yihiin.

Guddiga Fulinta

1.     Malaaq Axmed Maxamed Yacquub               Guddoomiye

2.     Malaaq Isaaq Ibraahim Xassan                 G/kuxigeen 1aad      

3.     Malaaq Cabdillahi Cabdi Aadan          G/Kuxigeen 2aad

4.     Malaaq Sheekh Aadan Cali Yarow                 Xoghayaha Guud

5.     Malaaq Maxamed Yacquub Sh. (Deerow)     Afhayeen

6.     Malaaq Mayow Macalin Muqtaar             Xisaabiyaha

 

Golaha Dhexe

7.     Malaaq Sheekh Aamiin Sheekh C/Baari                   Xubin

8.     Malaaq Xaaji Mustaf Xassan                                   Xubin

9.     Malaaq  Siidow Maadow Muuse                             Xubin

10. Malaaq  Maxamuud Maxamed Cabdi                      Xubin

11. Malaaq  Cabdi Cali Macalin  (Tees)                        Xubin

12. Malaaq  Malabow Isaaq Xassan                             Xubin

13. Malaaq  Maaday Cabdinuur                                    Xubin

14. Malaaq C/qaadir Xassan Shure                               Xubin           

15. Suldaan Aawow Maxamed Nuur                             Xubin

16. Malaaq    Maxamed Ibraahim Cali (Garoore)           Xubin

17. Malaaq Xasaney Yuusuf Xasan                               Xubin

18. Suldaan Axmed Nuur                                             Xubin

 Culamaa’udiinka dhinacooda  waxaa ka socday

1.     Sheekh Aadan Xasan Cumar

2.     Sheekh Aadan Wariishe

3.     Shariif Siid Cali Nuurow

4.     Sheekh Isaaq Ibraahim

5.     Sheekh Axmed Buraale

6.     Sheekh Macalin Maxamed Nuur

7.     Sheekh Daa’uud Cali

 

 Eng. Maxamed Axmed Nuur ( Porro )

gmsdm_141@yahoo.com

www.Bdigilmirifle.com