|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Maxamed Sheekh Yerow oo ah shiikha ugu wayn degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa maanta kulan uu layeeshay golaha siyaasiyiinta Digilmirifle 31/07/08 Baydhabo-BDM Media:Xubno ka socday dariiqada ahlu suna wal jameeca ee Digilmirifle oo uu hor kacayo Sheekh Maxamed Sheekh Yerow oo ah shiikha ugu wayn degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa maanta kulan uu layeeshay golaha siyaasiyiinta Digilmirifle xilli uu soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Shiikh Maxamed ayaa sheegay in magaalada Baydhabo uu usoo gaaray sida uu ugu faraxsanyahay doorashada dimuqaraadiyada ah ee ay is doorteen odayaasha dhaqanka Digilmirifle isagoo tilmaamay in marhore loo baahnaa in hogaan midaysan ay samaystaan odayaasha dhaqanka Digilmirifle. Shiikhu wuxuu mahad mahad balaaran u celiyey dadkii iska lahaa maskaxda ay isku raaceen hogaan dhaqameedka Digilmirifle. Dhinaca kale Shiikha ayaa amaan balaaran u jeediyey dadkii dhaqaalaha la dul taagnaa bilowgii iyo dhamaadkii shirwaynaha dib u heshiisiinta Digilmirifle ee haatan mirahan ay ka soo baxeen isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay jaaliyada wadaniga ah Digilmirifle ee dalka Sucuudiga. Sidoo kale Shiikh Maxamed Shiikh Yarow wuxuu u duceeyey golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle iyo culmaa’udiinka ahlu sunna wal jameeca. iyo Jaaliyadaha Digilmirifle oo gacanta ka gaystey qabsoomiada shirkaan.
Shiikha ayaa ugu dambayntii bulshawaynta Digilmirifle ayuu ku bogaadiyey. In ay ku dhaqaman diinta isaamka iyo inay ilaaliyaan midnimada iyo isku duubnida iyo inay gacmaha is qabsadaan. Suldaan Xasan suldaan Cumar ayaa markiiugu horaysay sheegay in DM ay israaceen islamarkaasna uu si wayn ugu faraxsanyahay dhisida golaha dhaqanka Digilmirifle. 31/07/08 Baydhabo-BDM Media: Suldaan Xasan suldaan Cumar suldaan Saciid oo kamid ah suldaanada Digilmirifle ayaa markiiugu horaysay sheegay in Digilmirifle ay israaceen islamarkaasna uu si wayn ugu faraxsanyahay dhisida golaha dhaqanka Digilmirifle.
Wuxuuna sidoo kale tilmaamay in digilmirifle ay waligood ahaayeen dad looga dambeeyo howlaha maamulada "dowladnimada anga ayaa bilownay waana Ilaahey mahadiisa in lasameeyo hogaan midaysan oo odayaasha dhaqanka ay leeyihiin waxaana ina horyaala howlo badan bulshadeena waa in la samato bixiyaa kuwa ku leynaya badaha iyo kuwa lagu gumaadayo gobolada qaar waa in wax loo qabtaa hadii aynu israacno waa mid mustaqbal u noqonaysa caruurteena iyo haweenkeena waxaan rabaa in halkaan hambalyo ugu jeediyo jaaliyada Digilmirifle ee dalka Sucuudiga oo ah jaaliyada ugu horaysa jaaliyadaha Digilmirifle maadaama ay yihiin dadka ka damqanaya dhibaatooyinka ay qabaan shacabka Digilmirifle” sidaasi waxaa yiri Suldhaan Xasan. Suldaanka oo sii faafaahinaya wax qabadka jaaliyada DM dalka Saudi Arabia wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay kaalint aan xagarta lahayn jaaliyada Sucuudiga ay ka qaadatay dhismaha iyo israacga odayaasha dhaqanka Digilmirifle. Si kastaba ha ahaatee go’aanada suldaanada Digilmirifle ayaa beryahan u muuqanaya kuwo mowqifyadooda ay adagyihiin marka loo eego dhinaca horumarinta bulshada Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo |