Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gudooomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Pr. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta booqday xerooyinka dadka soobarakacay ee magaalada Baydhabo.


30/07/08 Baydhabo-BDM Media: Gudooomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Pr. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta booqday xerooyinka dadka soobarakacay ee magaalada Baydhabo.

 

Guddoomiyaha ayaa guri guri ugalay guriyaasha ay ku jiraan dadka ku nool xerooyinka magaalada Baydhabo. Isagoo u sheegay in u socdaalkiisa uu ku saabsanyahay si uu u ogoon lahaa xaalada ay ku nool yihiin dadka soo barakacay xerooyinka magaalada Baydhabo.

 

Dadka ku nool xirooyinka oo qaarkood ayaa ah kuwo soo cararay rabshadaha iyo xaalada degonaasha la'aanta ka jirta magalaada Muqdisho.

 

 

Dhinaca kale Pr. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorashada iyo hogaanka midaysan ay samaysteen odayaasha dhaqanka Digilmirifle isagoo si wanaagsan ugu mahad celiyey dadkii ka dambeeyey in hogaan midaysan loo sameeyo odayaasha dhaganka digilmirifle.

 

Hadalkan dalxa waxa uuka sheegey shir jaraaid uusaxaafada uqabtey maanta.

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com