Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gen. Maxamed  Xasan Aadan ( Shaahiyow ) oo dhalinyarada Digilmirifle nabada ugu baaqey.


 

Jeddah BDM network 27/10/2008

Xafiiska jaaliyadda Digilmirifle ee dalka Boqortooyada Sacudi Carabia ayaa lagu qabtey shir ka mid ah shirarkii caadiga ahaa ee isbuuc walba lagu qaban jirey xuruuntoodi ee magaalada Jaddah.

Shirkaan oo loogu hadley arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen wax qabadka jaaliyadda ee ku aadan gobolada ay ka soo jeedaan  iyo taagyeerida howlaha ay wadaan golaha malaaqyada iyo salaadiinta Digilmirifle iyo golaha aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle iyo sidoo kale dilalka qorsheysan ee lagula kacayo aqoonyahanada iyo waxgaradka Digilmirifle.

Gen. Maxamed Xasan Aadan ( Gen. Shaahiyow ) oo u jooga safar cibaadeysi ah dalka K.S.A soona booqdey xuruunta  jaaliyadda Digilmirifle soo dhaweyn kadib ayaa halkaasi su'aaley ay weydiiyeen qaar katirsan jaaliyadda wuxuu warbixin ka siiyey heerka xaalada Soomaaliya ay mareyso.

Gen. Maxamed Xasan Aadan ( Gen. Shaahiyow ) ayaa Jaaliyada Digilmirifle ee K.S.A ku amaaney wax qabadkooda ku aadan taakuleynta walaalohooda asigoo intaa raaciyey in ay dalka ka jiraan dhibaatooyin dhowr ah sida isbitalka ween ee magaalada Baydhabo oo u baahan dayactir halka jaaliyddna ay aad u soo dhaweeyeen fikadihiisa

Dhinaca kale wuxuu ka hadley dilalka habeysan ee aalaaba ka dhacaan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyo meelo kale isla gobolka Bay iyo Bakool  inay ka dambeeyaan dhalin-yaro la marin habaabiye oo loo adeegsado inay walaalahoodi ama aabayaashoodi laayaan ayagoo loo sheego buu yiri in ay janada geli doonaan laakiin ilaahbaa janada gacantiisa ku jirta.

"Saraakiishii lagu diley shirqoolka  dhamaantood waxaa loo soo adeegsadey wiilasheena oo maskaxda laga qaldey" sidaasi waxaa yiri Janraalka oo aad ugu xun falaka ay ku kacayaan wiilasha Digilmirifle oo loogu baahnaa inay dalkooda iyo dadkooda difaacaan una soo jeestaan wax qabadka dalkooda asigoo ugu baaqey inay taagyeeraan barnaamijyada dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Djaboutia.

Hadalka Gen. Shaahiyow ayaa ku soo  beegmaya xili ay degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ay ka dhacayaan dilal qorsheysan iyo iska hor imaad u dhexeeya DFG iyo kooxaha ka soo horjeeda 


wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com