Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gobolka Shabeelada hoose deegaano  ka tirsan waxaa ku soo badanaya dadka uu soo ridanayo Cudurka malaariyada 


26/07/08 Baydhabo-BDM Media: Gobolka Shabeelada hoose waxaa ku soo badanaya  dadka la ildaran cudurka malaariyada kadib makii uu ku soo fatahay wabiga Shabeelada hoose.

 

Deegaanada cuduradan ay ka jiraan waxaa kamid ah degmada Afgooy yere, Garaawlay, Uraar urow iyo deegaano kale oo Shabeelada hoose katirsan sida ay sheegen dadka kudhaqan gobolka qaar ka mid ah oo ay la so xiriirey shabakada war baahinta  bdigilmirifle.com.

 

wararka ayaa intaasi ku darayan in dadka la ildaran cudurka malaariyada ay ubadan yihiin caruur iyo haween dadka kudhaqan gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ay yihiin dad ubadan beeraley iyo xoolo dhaqato iyagoo kadalbadey hayadaha samfalka ee ka howlo gala dalka Somaali in ay laso gaaraan gargaar deg deg ah oo ay kaga samato baxaan dhibaatooyinka ay qabaan.

 

Dhinaca kale fatahaadan uu saameyey wabiga Shabeele ayaa qasaaro ugeesatey dalagyo ku yaalay halka uu ku fatahay iyadoo halkaasi lagu arkayey  daadad maasheeyey wadooyinka deegaanadaasi soo gala.

 

Arintan ayaa waxa ay ku so aadey xil  rajooyin wanaagsan laga muujinayey dalag beeredka gobolka Shabeelaha hoose ka soo go'ay xiligaan.

 

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay fatahaad noocaan uu sameeyo wabiga Shabeele isla markaasina uu qasaare ugeesto dalag beereed.

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com