|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gudoomiye ku xigeenka odeyaasha dhaqanka jaaliyaddda Digilmirifle UK oo shir la qaatey maamulka jaaliyada DM K.S.A 24/08/2008- Jeddah, BDM-Media Shirkii caadiga ahaa ee maamulka guud ee jaaliyadda Digilmirifle oo ka dhacay magaalada Jeddah cariga boqortooyada Sacudi Carabiya. shirkaas oo isbuuc walba lagu qabto xafiiska jaaliyadda Digilmirifle K.S.A. ayaa shaley waxaa ka soo qeybgaley gudoomiye ku xigeenka odeyaasha dhaqanka jaaliyadda Digilmirle U.K. mudane Aba Sheikh Mudhir.
Shirkaas oo loogu hadley arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayen xiriirka ay leeyihiin jaaliyaddaha Digilmirifle ee ku kala nool caalamka iyo dowrka ay ku leeyihiin wax u qabadka ama taakuleynta dadkooda. waxyaabaha shirkaasi loogu hadley ayaa ugu muhiimsanaa sidii bulsho weynta Digilmirifle ay oga bixi lahayd dhibaatooyinka soo daba dheeraadey oo mudada dheer soo jiitamayey waxaana la isku raacay xalka keliya lagu gaari karto inay tahay in la helo midnimo iyo in la taagyeero hogaanka golaha odeyaasha dhaqanka Digilmirifle iyo maamulka konfur galbeed oo howshiisa hada socoto iyo in la sii xoojiyo midnimada Digilmirifle.
Jaaliyada Digilmirifle K.S.A oo marwalba u ololeysa hormarka Bulsho weynta Digilmirifle ayaa dhexdooda waxay iska arooriyaan lacago taasoo meelo badan wax loogu qabto oo ah danaha qowmiyada Digilmirifle Aba Sheik oo arintaasi ka hadley ayaa yiri "waxaan arkaa wax qabad dhab ah oo ay sameynayaan Jaaliyada Digilmirifle K.S.A." shirka kadib wareysi aan la yeelaney Gudoomiye ku xigeenka odeyaasha dhaqanka jaaliyada UK mudane Aba Sheikh ayaa waxa uu u dhacay sida tan:-
S: ugu horeyntii maxaytahy sawabta ka dambeysey imaashahaaga dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya? J: waxaan u imi arimo ii gaar ah oo ay ugu weyntahay inaan cimreysto. S: Dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bay waxaa ka socda dadaalo ladoonayo in lagu dhiso maamul lagu magacaabey koonfur galbeed sida aan la socono bartabihii bishii la soo dhaafey waxaa lagu dhawaaqey golaha odayaasha dhaqanka Digilmirifle hadii aad tihiin jaaliyada Digilmirifle UK dowr intee la eg baad ku leedihiin howshaasi? J: waan ku faraxsanahay guusha ay gaareen dadkii ka soo shaqeeyey guusha la gaarey waana ku amaaneynaa hadii aan nahay jaaliyadda Digilmirifle UK xiriir ayaan la lahayn aniga xitaa Baydhabo ayaan tagey oo waan la soo kulmey waxaana rajeynaa in taageeradeena ay intaa ka sii badnaan doonto. S: Waxaa lagu jiraa xili adag oo aduunka oo dhan wada saameeyey sicir barar Soomaaliyana ay u dheertahay dagaalo iyo abaaro waxaan maqalnaa jaaliyado deeq u dira meel cayiman, hadii aad tihiin jaaliyadda Digilmirifle UK ma jirtaa deeq aad u dirteen gobolada aad ka soo jeedaan? J: Majirto deeq si toos ah oo aan meel ugu magacaawney laakiin waxaa jira deeqo Soomaali-nimo aan u bixiney . Ugudameyntii MD. Aba Sheikh Mudhir wuxuu baaq u soo jeediyey dhamaan Jaaliyaadka Digilmirifle meel kasta oo ay joogaan inay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan kumaanka kun ku dhibaateysan xerooyinka qaxootiga cida keliya ay sugaayaana ay ayaga yihiin. wuxuuna amaan gaar ah u soo jeediyey jaaliyadda Digilmirifle K.S.A wuxuuna sheegey inay haboontahay in lagu daydo.
Maxamed Nuur Ibraahim. BDM-Media Jeddah Office. |