Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Ururada dhalinyarada ka dhisan magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhaweeyey doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka.


23/07/08 Baydhabo-BDM Media: Ururada dhalinyarada ee ka dhisan magaalada Baydhabo ayaa si wayn u taageeray doorashada guddoomiyaha odayaasha dhaqanka.

Hadalka ayaa ka dambeeyey kadib markii kulan ay isugu yimaadeen  dhalinyarada ku jirta ururada dhalinyarada ee kadhisan magaalda Baydhabo gobolka Bay kuwaasoo ay ku midaysan yihiin barbaarta Digilmirifle.

 

Dhalin yarada ayaa u mahad celiyey golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada iyo culmaa’udiinka ahlu suna wal jameeca oo gacan wayn ka helayey jaaliyada boqortooyada Sucuudiga ee u dhalatay Digilmirifle.

 

sidoo kale dhalinta ayaa soo dhowaysay hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha jaaliyada Digilmirifle Cumar Mursal Yaxye kaasoo ahaa in ay dhiiri gelinayaan qof walba oo kashaqaynaya horumarka qowmiyad waynta digilmirifle.

Afhayeenka ururka IBS Cabduqaadir Cismaan Aadan ayaa sheegay inay yihiin dad u taagan dhacsashada dhulkooda iyo hantidooda doonayana horumarka qowmiyada Digilmirifle iyagoo ku dhiirigeliyey howlaha ay wadaan odayaasha dhaqanka qowmiyada Digilmirifle meel waliba ay joogaan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarka bulsho waynta Digilmirifle.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya ururada ay ku midaysan yihiin dhalinyarada Digilmirifle.

si kastaba ha ahaatee dhalinyarada Digilmirifle waa kuwa looga fadhiyo xureynta iyo soo dhicinta xaqa Bulsho weynta Digilmirifle maadaama ay yihiin jiilka soo baxaya lehna ilbaxnimo iyo aqoon intaba taasoo wax weyn ka tari karta horumarka bulshada Digilmirifle.

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com