|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Deeq qalab wax barasho oo loo qeybiyey xerooyinka dadka soo qaxootiga ee magalaada Baydhabo 21/08/08 Baydhabo-BDM Media: Deeq ay bixiyeen Ururka Hormarinta Waxbarashada Digilmirifle ayaa loo qeybiyey dadka degan xerooyinka ku yaal daafaha magaalada Baydhabo. Deeqdaas oo ay isugu jirtey Buugaag, Qalimaan, Jeesooyin iyo Sabuurooyin ayaa xerooyinkaas soo gaarsiiyey Ururka DMEDO.
Goobaha deeqdaasi la gaarsiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Horseed 1, Oll Station, Iskool Qasab Camp, iyo Tawakal 1 ardeyda loo qaybiyey deeqdaas ayaa gaarayey in ka badan 500 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Gudoomiyaasha xerooyinka ayaa dhamaantooda waxay bogaadin iyo amaan u soo jeediyeen Ururka DMEDO deeqda ay u fidiyeen oo ah Waxbarasho lacag la’aan dhinac walba iyo Macalimiin Mutadawiciin ah,
Gudoomiyaha Iskuul Kasab Camp Aadan Cabdule Adan (Adan Jereere). ayaa sidoo kale u soo jeediyey NGO-yada kale ka shaqeeya Gobalka Bay Gaar ahaan Magaalada Baydhabo inay ay ku daydaad dalaadla ay sameeyeen DMEDO.
Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan xerooyinkaas ayaa mar walba u baahan in la garab istaago dhinac walba ha ahaatee.
BDM-Media Office. Baydhabo |