Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Gudoomiye ku xigeenka odayaasha dhaqanka jaaliyada Digilmirifle dalka Ingiriiska Cabdulaahi Sheekh Cismaan oo maanata kulan la qaatey....


20/07/08 Baydhabo-BDM Media: Guddoomiye ku xigeenka odayaasha dhaqanka jaaliyada ingiriiska Digilmirifle mudane Cabdulahi Sheekh Cismaan ayaa kulan la qaatay tan iyo markii uu soo gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka bay gudiga fulinta golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle .

 

Gudoomiye ku-xigeenka  iyo xubnaha GSADM waxay ka wada  hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin qaabka loo wajahayo horumarinta bulsho waynta Digilmirifle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka odayaasha dhaqanka jaaliyada Ingiriiska Digilmirifle ayaa gudiga fulinta GASDM u sheegay in uu ku faraxsan yahay mudada yar ee lagu dhisay golaha dhaqanka Digilmirifle oo ay abaabulkiisu lahaayeen culmaa’udiinka ahlusuna wal jameeca iyo golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle oo gacan ka helaya jaaliyada ugu horaysa jaaliyadaha Digilmirifle Sacuudiga.

 

Gudiga fulinta ayaa ayagana waxa ay sheegeen in qof waliba oo u dhashay qowmiyada Digilmirifle gaar ahaan jaaliyadaha in uu muujiyo dhabar adeega iyo hagar la’aanta in labixiyo dakhliga ay wax ku qabsoomayaan iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay jaaliyada Sucuudiga oo si hagar la aan ah u garab taagneed bilowga iyo dhisitaanka odayaasha dhaqanka Digilmirifle.

 

Guddoomiye ku xigeenka ayaa gebagebadii kulankaas ka sheegay in jaaliyada Ingiriiska gowmiyada Digilmirifle ay noqon doonto horyaalka jaaliyadaha islamarkaasna kaalin aan hagar lahayn ka qaadan doonto wax waliba oo lagu horumarinayo mustaqbalka, horumarka qowmiyada meel walba ay noqoto.

 

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa is waydiinaya is raacitaanka iyo wax wada qabsiga qowmiyada Digilmirifle wax yaabaha muddooyinkaan larko horumarka ugu wayn qowmiyada ay ku faani karto maadaama ay hal meel isugu yimaadeen haweenkooda, dhalinyaradooda, odayaashooda, saraakiishooda oo talo iyo tusaale ka helaya Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle.

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com