|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Afhayeenka Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle oo ka hadley arimaha canshuurta.
19/07/08 Baydhabo-BDM Media: Golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa markii ugu horaysay nasiib darro ku tilmaamay in canshuurta gobolada iyo degmooyinka ay aruursato xukuumada kumeelgaarka ah.
Afhayeenka golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanda Digilmirifle Dr. Fowsi Cabdinuur Maxamed ayaa yiri “Caruurteena ma haystaan waxbarasho iyo caafimaad iyo xasilooni ay ku noolaadaan waana nasiib darro in canshuurteena lagurto maadaama dowlad ay tahay waa in dalka ay wax ka qabataa dadkana wax muuqda ay u qabataa”.
Dhinaca kaleafhayeenka ayaa ka hadlay in nasiibdarro ay tahay in degmooyinka iyo gobolada qaar ee ladhisayo in laga badasado xubnaha maamulada degmooyinkaas oo ay u dhasheen bulshada Digilmirifle wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay maamulka gobolka gedo oo hal beel ay badsatay.
“Waa maamul xaaraan ah mana aha mid loo dhanyahay waa mid u dhisan hal beel umana dhisnaan doono” sidaasi waxaa yir afhayeenka GSADM oo u hadlayey shabakada warbaahinta BDM.
Si kastaba ha ahaantee mas’uuliyiinta waxgaradka Digilmirifle marka ay hadali jeedinayaan waxay sheegaan in gobolo badan ay kamaqanyihiin oo ay raadsan doonaan. BDM-Media Office. Baydhabo |