Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Ururka Southern Somali Community Council oo deeq lacageed gaarsiiyay agoonta Al.Xuneyn ee Baydgabo.


18/08/08 Baydhabo-BDM Media:

Ururka Southern Somali Community Council oo deeq lacageed oo gaareysa 700 dollar gaarsiiyay agoonta Al.Xuneyn ee Baydgabo.

Ururka magaciisa loo yaqaano Southern Somali Community Council ayaa deeq lacageed oo gaareysa 700 dollar gaarsiiyay agoonta ku jirta xarunta agoonta ee Al.Xuneyn ee magaalada Baydgabo.

 

Lacagtaas ayaa marki loo beddelay shilin soomaali loogu qeybiyay si xaq ah oo siman caruurta agoonta ah ee ku jirta xaruntaas.

 

Ururkan  ayaa horey howlo samafaleed uga fuliyay qeybo kamid ah gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaana gobolada Bay,Bakool, Sh/Hoose iyo jubbada dhexe.

 

Ururkan oo la furay dhowr sanno ka hor ayaa waxay xaruntiisu tahay dalka Australia waxaana guddoomiye u ah Inj. Ibrahim Cali Cumar Shegow halka Xoghaye guudna uu ka yahay Yaquub Macalin Cabdi Lacaghayena waxaa ka ah marwo Xawo Maxamed Cabdi.

 

Hadaba waxaa haboon oo la inooga wada baahanyahay in aan il gooni ah ku fiirino agoonta iyo dadka tabaaleysan ayadoo nagu soo fool leh bishii barakeysaneyd ee Ramadaan si Ilaahey uu inoogu gargaaro waa in aan isu gargaarnaa

 

 


Said Axmed / Baydhabo
sidaxmed@yahoo.se

www.Bdigilmirifle.com