|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xaflad lagu caleemo saraarayey gudoomiyah odayaasha dhaqanka Digilmirifle Axmed Maxmed Yacquub ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. 017/07/08 Baydhabo-BDM Media: Xaflad si heersaraysa loo soo agaasimay oo lagu caleemo saraarayey gudoomiyah odayaasha dhaqanka Digilmirifle Axmed Maxmed Yacquub ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay xildhibaano ka tirsan 61 da Digilmirifle, culmaa’udiinka ahlu Suna wal Jameeca, golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digilmirifle mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhabo, ururada bulshada rayidka ah haweenka afarta xaafadood ee magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Sheekh Aadan Mad deer oo ka mid ah xildhbaanada Digilmirifle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka ay u dhacday doorashada guddoomiyaha dhaqanka ee haatan la caleemo saarayo isagoo u mahad celiyey dadkii ka dambeeyey bilwoga howshan markii dambe lagu guulaystay in la dhiso nadaamka iyo midnimada, isku duubnida odayaasha dhaqanka Digilmirifle.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Cali Aadan Marguus oo ah ganacsadaha ugu wayn qowmiyada Digilmirifle oo sheegay in odayaasha dhaqanka Digilmirifle ay yihiin kuwo looga fadhiyo wax ka qabashada rabitaanka qowmiyada Digilmirfle.
Inta munaasabada ay soconaysay waxaa kitaabka qur’aanka lagu dhaariyey guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Axamed Maxmed Yacquub iyo xubnihiisa.
Dhinaca kale Pro. Ibraahim Muuse Xayrow isna munaasaba ka hadlayey ayaa sheegay in bilowga howshan loo soo dhabar adeegay isagoo xusay in howshan bilowgeeda ay lahaayeen golaha aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle iyo culmaa’udiinka ahlu suna wal jameeca oo si hagar la’aan ah ay u taageerayeen. jaaliyada Sucuudiga Digilmirifle iyo ganacsatada qaar ka mid ah.
Prof. Xeero ayaa si gaar ah u xusay Jaaliyada Digilmirifle dalka Sacuudiga in si xagar la’aan ah u taageerayey shirwaynaha dib u heshiisiinta odayaasha dhaqanka Digilmirifle.
Gebagebadii gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Dr. Axmed Maxamed Yacquub oo halkaasi ka hadlay aya darenkiisa farxadeed ku cabiray caleemo saarkiisa isagoo meeshana ka akhriyey dukumendi qadiimi ah oo ka sheekaynayo is dhexgalka walaalnimada isku duubnida marxalada qowmiyad waynta digilmirifle iyo tacdiyada beelaha qaar ay u gaysanayeen mudada 17 sano.
BDM-Media Office. Baydhabo |