|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Af hayeenka G.SADM ayaa sheegay in sharci darro ay tahay dhaq dhaqaaqa maamul u samaynta oo haatan ka soconaya Sh.Hoose 16/07/08 Baydhabo-BDM Media: Af hayeenka golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa sheegay in sharci darro ay tahay dhaq dhaqaaqa maamul u samaynta oo haatan ka soconaya Shabeelada Hoose isagoo sheegay in xildhibaanada gobolka Shabeelada Hoose ay ka baxaan kulanka baarlamaanka ilaa gobolkooda laga joojinayo wax yaabaha laga wado iyo gumaadka ka dhacaya.
“Gobol walba waxaa u dhashay dadkooda waa in qof waliba meesha uu u dhashay ka arimiyaa. Wasaarada arimaha gudaha iyo hay’adaha qaar ay raali ka yihiin in la xoogo dhulka Digilmirifle inaga ma yeelayno in dhulkeena la xoogo” sidaasi waxaa yiri af-hayeenka GSADM mar uu la hadlayey shabakada warbaahinta BDM.
Sidoo kale wuxuu dhaliil dusha kaga tuurey xildhibaanada gobolka Shabeelada Hoose u dhasha inay ka gaabiyeen dhacsashada cadkooka.
Dhinaca kale af hayeenka mar uu ka hadlayey sida ay u dhacday doorashada guddoomiyah odayaasha dhaqanka ayaa waxa uu sheegay in doorashada ay u dhacday si xaq ah islamarkaana kulankii in muddo ah soco nayey oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka qowmiyada Digilmirifle ay guulo ka soo bexeen.
Af-hayeenka GSADM Fowsi Cabdi Nuur wuxuu mahad iyo bogaadin u jeediyey jaaliyada Sacuudiga Digilmirifle oo uu sheegay in jaaliyada Sucuudiga ay tahay Midda ugu horaysa jaaliyadaha Digilmirifle islamarkaasna ay maalgelisay inta uu soconayey shirwaynaha dib u heshiisiinta.
Si kastaba ha ahaatee dhowaantan ayey ahayd markii dalada haweenka koonfur galbeed ay amaan u jeediyey jaaliyada sucuudiga ee Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo |