|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
05/08/08 Baydhabo-BDM Media: Maanta oo taariikhdu tahay 5tii August, 2008 ayaa waxaa la soo gaba-gabeeyey Xaflad ku saabsaneyd Tababar Macallin taasoo lagu qabtey Xarunta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalda Baydhabo.
Xafladda waxay u dhacday si dii larabay ayadoo ay ka soo qeybgaleyn Mas’uuliyiin ka trisan Dowladda Federaalka KMGS uu ka mid yahay Wasiirka Kaluumeysiga kaasoo la gudoonsiyay Shahaaddo, Wakiilka Jaaliyadda Sacuudiga iyo Wakiilka Jaaliyadda UK. iyo Xubno kale ee Bulshada Soomaaliya.
Tababarkaan oo socday muddo 4 maalmood laga bilaabo 2/8/2008 oo lagu tababaraayey Macalimiin ka timid Gobolada Jubooyinka J/dhaxe iyo J/Hoose, waxaana loo tababaraayey si ay u sii tababaraan Macalimiinta walaalahooda oo aan helin Fursaddan oo kale. Tabarbarkooda wuxuu ku saabsanaa sidii ay macalimiinta kale u tababari la haayeen Qaabka Cashardiriinta, qaabka cusub ee Ardeygu xudunta u yahay iyo sidii loo diyaarin la haa Jadwal qorsheysan.
Waxaana ka hadlay Xafladda Wasiirka Kaluumeysiga Mudane Xusen Maxamed Muuse (Bantu), Wakiilka Jaaliyadda Sacuudiga Maxamed Xuseen Cabdi (Rooti), Wakiilka Jaaliyadda UK. Aba Aawow Suufi Afaan.
BDM-Media Office. Baydhabo |