Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Xaflad lagu shaacinayey furitaanka jaamacada koofurta Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaday hoteelka Caalin Center ee magaalada Baydhabo.


03/08/08 Baydhabo-BDM Media xaflad lagu shaacinayey furitaanka jaamacada koofurta Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaday hoteelka Caalin Center ee magaalada Baydhabo.

 

Xaflada waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid ahaa Pro. Maxamed Cumar Dalxa, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ku meelgaarka ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, guddoomiyaha odayaasha dhaqanka, guddoomiyaha golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle haweenka afarta xaafadood ee magaalada Baydhabo, culmaa’udiinka ahlu suna wal jameeca ugu horayntii waxaa halkaas hadal ka jeediyey wakiilka Jamacada Koofurta Soomaliya Dr.

 

Maxamed Cali Kalaay oo sheegay in howshan ay ahayd howl in muddo ah ay ka soo sheeqaynayeen isla markaana ay wanaagsantahay in laga faa’iidaysto isagoo xusay in dhalinta reer Baydhabo ay heleen waxbarasho heer jaamacadeed.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi hadal ka jeediyey Pro. Ibraahin Muuse Xeerow oo sheegay in loo baahanyahay in shacabka reer Baydhabo iyo waalidiinta inay ka faa’iidaystaan fursadan in muddo ah alga soo shaqaynayey oo ay ka soo shaqeeyeen jaamiciin u dhashay Digilmirifle.

 

Dhinaca kale intii xaflada ay socotay waxaa halkaasi lagu soobandhigay suugaano ka tarjumaya muhiimada ay leedayah wax barashada oo ay soo bandhigeen kooxda Iftin. Gebagebadii furitaanka xafladaasi waxaa xariga ka jaray Pro. Maxamed Cumar Dalxa, guddoomiye ku xigeenka baarlamanka isagoo sheegay in reer Baydhabo Guul wayn ay u soo hoyatay isagoo si wayn ugu dheeraaday horumarka balaaran ee ay gaareen gobolada Koofureed gaar ahaan magaalo madaxda labaad ee Baydhabo.

 

Isagoo mar kale u mahad celiyey horumarka balaaran reer Baydhabo ay tiigsanayaan gaar ahaan bahda waxbarashada.

Aan soo hooriyo hadalkayga waa markii ugu horaysay magaalada Baydhabo waxbarashadeeda ay u gudubto reer jaamacadeed iyadoo si wayn ay u soo dhaweeyeen shacabka reer baydhabo furitaanka jaamacadaan.

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com