|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
31/07/08 Baydhabo-BDM Media: Odayaasha dhaqanka Digilmirifle ayaa baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in haatan ay dagaalamaan beelo walaalo ah oo u dhashay digilmirifle. Afhayeenka odayaasha dhaqaka Digilmirifle Maxamed Yacquub sheekh oo loo yaqaano malaaq Deerow ayaa sheegay in odayaasha Dhaqanka ay aad ugu xunyihiin in ay dagaalamaan labo beelood oo udhashay qowmiyada Digilmirifle.
Malaaq Deerow ayaa ugu baaqay in si deg deg ah xabada loo joojiyo islamarkaasna wada hadal lagu dhameeyo wax yaabaha keenay in walaalaha ay isfarasaaraan.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in odayaasha Dhaqanka aad uga xunyihiin nasiib daro ay tahay in uu daato dhiiga dad walaalo ah oohal meel wada dego ay dagaalamaan. Malaaqa ayaa balan qaaday inay aadi doonaan goobta uu dagaalka ka socdi si ay u dhexdhexaadiyaan beelaha dagaalamay.
BDM-Media Office. Baydhabo |