Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Shir ay isugu yimaadaa xildhibaanada ka soo jeeda Digil Mirifle oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.


30/07/08 Baydhabo-BDM Media: Xidhibaanada kasoojeedo Digilmirifle ayaa maanta magaalada Baydhabo ku yeeshey kulan loogu hadlayey wax ka qabashada amaanka magaalada Baydhabo oo beriyahaan sii xumaanayey.

 

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo marka kulankaasi uu soo dhamaaday saxaafada lahadley ayaa sheegey in ay iska dhicinayaan kooxaha qas wadayaasha oo ugu yeerey.

 

Wasiirka ayaa ugu baaqey shacabka Digilmirifle in nabada ay kashaqeeyaan islamarkaasina ay sameeystaan ciidamo madani ah oo sugayo amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay iyo nawaaxigeeda.

 

Kalankan loogu hadlayey amaanka ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli dhowaantan baarlamaanka oo ansixiyey in amaanka magaalada Baydhabo ay sugaan ciidamada booliska ee dhowaantan lagu so tababarey dalka itoobiy kuwaaso haatan kusugan magaalada Baydhabo oo lagu arkayo wodooyinka iyo xaafadaha magaalada..

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com