|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gobolka Shabeelada Hoose oo dalaq fiican u soo go'ey iyo dhalinyarada Digilmirifle oo halkaasi kala kulma dhibaatooyin.. 23/07/08 Baydhabo-BDM Media: Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey gobolka Shabeelada Hoose ay ka jireen abaaro saameeyey dadka iyo duunyadaba ku dhaqan goboladhaasi ayaa haatan wararka ka imanaya goboladaas waxay sheegayaan in beeraha halkaas ku yaal dalaqyo badan ka soo go'een. Mid ka mid ah beeraleyda gobalka Shabeelada Hoose ayaa u xaqiijiyey wabsiteka bdigilmirifle in beeru ay ka soo go'een dalaqo badan walow ay weli aan laga bixin sicir bararkii. Dhinaca kale dhalinyarada ka soo jeeda Digilmirifle ee ka cararay dagaalaa ka socda maada muqdisho oo gobolkaas gaaray ayaa dhibaatooyin kala kulmay dad damiir laawayaal ah oo ku sugan gobolkaasi. Kooxo caadiyeystey in dhibaateeyaan dadka oo ku sugan goboladaasi ayaa la sheegay in ay xirxireen dhalinyaro kasoo jeeda Digilmirifle oo halkaasi u tagey inay nabad iyo noloba ka helaan halkaasi Ma aha meeshii ugu horeysey ama markii ugu horeysey ay dhibaato kala kulmaan qaar ka mid ah dhaliyarada Digilmirifle gobolada qaardood.
si kastaba ha ahaatee waxaanan muuqan in dhibkaasi la gudbi
karin ilaa lagahelo gobolada Digilmirifle oo amaan ah sameysteyna maamul
mideeya si dhalinyarada Digilmirifle ay u helaan nolol iyo waxbarasho.
taasoo lagu gaari karo isku duubnaan. BDM-Media Office. Baydhabo |