|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Buundada isku xirta gobolada koonfur galbeed iyo gobolka banaadir ee Gasarta oo qarka u saaran inay go'do BDM-Baydhabo:13/02/2010 Magaalada Caasimada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Baydhabo ayaa waxay halis u tahay inay ka go'do gobolka Banaadir iyo Degmada Buurhakaba Intaba, kadib markii la waayay cid dayactirta buundada Gasarta oo u dhow in ay go'do.
Buunadaan Gasarta ayaa waxay halbowle u tahay isku xirka wada dheer ee isku xirta caasimada koonfur galbeed Soomaaliya Baydhabo iyo gobolka Banaadir oo ka dhaxeeye dadyowga labadaasi magaalo ku kala nool xiriir ganacsi.
Ma ahan Baydhabo Iyo Banaadir sidoo akle waxaa meesha kasii baxaysa isu socodkii gawaarida xamuulka iyo kuwii kale ee Gedo ay la wadaagtay Banaadir iyo Baay ,taasoo laga yaabo hadii ay Buundadaan Go'do in maciishada circa isku sii shareerto .
Maamuladii hore iyo maamulka xiligaan ka jira deegaankaan ayaa intaba ma aysan ka muuqdaan xiligaan dayactir iyo dib u habeyn lagu sameynayo Buundadaan oo hadii aan la dayactirin wax waliba ha lis u ah sida Rogmashada Gawaarida taasoo sababi karta dhimasho nafaf iyo khasaare hanti intaba.
BDM-Media Office. Baydhabo |