|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Jaaliyada Digilmirifle ee Sacudi Carabiya oo Magaalada Baydhabo gaarsiisey gaari Amblance ah oo loogu gurmado dadka la soo gudboonaayda xaaladaha Amergency-ga ah. BDM-Baydhabo13/04/2010 Jaaliyada Digilmirifle ee Sacudi Carabiya oo Magaalada Baydhabo gaarsiisey gaari Amblance ah oo loogu gurmado dadka la soo gudboonaayda xaaladaha Amergency-ga ah. Magaalda Baydhabo dadka kunool iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa si weyn usoo dhoweeyay gaarigii Ambalance-Ka ahaa ee Ay jaaliyada DM Sacuudiya usoo iibiyeen Dadka Reer Baydhabo. Gaarigaan Amblance-ka ah oo loogu tala galay Amergency-ga ama hadii ay dhacaan wax deg deg ah ayaa waxay jaaliyada ku wareejisay culumaaudiinka Baydhaboo oo ka madax banaan siyaasada hada ka jirta Soomaaliya. Sheekh Abuukar C/Raxiin oo ah nin si weyn loogu yaqaano guud ahaan Soomaaliya ayaa masuul looga dhigey gaarigaasi Amblance-ga ah asaga iyo gudi culimo ah waxaana dadka loogu qabtaa shaqo aan lacag lagu qaadanaeynin taasoo kumaan reer Baydhabo ah aad ugu riyaaqeen. Jaaliyada Digilmirifle ee ka dhisan dalka Sacuudi Carabiya ayaa markasta isku howsha sidii ay gacan muuqata ugu gaysan lahayd arimaha deegaanada ay ka soo jeedaa dhinacyadeeda kala duwan sida ay u sheegeen websiteka Bidigilmirifle.com waxay diyaarinayaan qorshooyin kale oo lagu geynayo dhamaan deegaanada ay degaan Digilmirifle gawari Ambalace-yo ah. si kastaba ha ahaatee hadii qorshahaas ay ka dhabeeyaan ayaa noqoneysa talaabo u taasha dhamaan jaaliyadaha Digilmirifle ee dalka dibadiisa ku nool inay qaataa talaabada ay qaateen walaalahooda si dadka dhibaateysan loo gargaaro.
BDM-Media Office. Baydhabo |