|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Siminaar muddo seddex maalmood ah u soconayey saxafiyiin kala duwan ay kasoo qaybgaleen ayaa maanta la soo gebagebeeyey.
19/07/08 Baydhabo-BDM Media: Siminaar muddo seddex maalmood ah soconayey saxafiyiin kala duwan ay kasoo qaybgaleen ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey magaalda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Tabo barkaan oo ay iska kaashadeen hay’ada CCC iyo ururka isku xirka xirfadlayda suxufiyiinta soomaaliyeed SOPJA ayaa intii uu soconayey waxaa lagu baranayey doorka saxaafada ay ku leedahay nabada dalka Soomaaliya
Ugu horayntii waxa halkaas hambalyo ka jeediyey guddoomiyaha xarunta CCC Saharo Maxamed Nuur oo sheegtay in ay mar walbo diyaar u tahay wax u qabashada suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan ururka SOPJA oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuriyada iyo horumarinta
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Baydhabo Maxamed Macalin Ibraahim Dhale-Dheere oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in qowmiyada ay kasoo baxaan suxufiyiin kabadan konton oo doonaya in dalkooda ay u shaqeeyaan isagoo amaanay khibrada saxaafadeed ay leeyihiin saxafiyiinta Digilmirifle waxaana uu ku bogaadiyey in maamul ahaan ay dhiiri gelinayaan wax u qabashada dadkooda.
Dhinaca kale Axmed Mayow Cumar (Col. Ruush) oo kamid ah halgamayaasha qowmiyada Digilmirifle ahna xubin ka tirsan golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle oo halkaasi ka hadlay ayaa si kulul u cambaareeyey laanta afka Soomaaliga BBC da oo uu ku dhaleeceeyey inay ka soo horjeedo horumarka ayna doonayso barakicinta bulshawaynta Digilmirifle.
Col Ruush wuxuu si gaar ah u xusay in BBC da aysan ilaa iyo iminka soo hadal qaadin horumarka ay gaareen gobolada Koofureed isagoo ku dhiiro giliyey dhalinyarada kala duwan xirfadlayda saxaada inay wax ka qoraan xaqiiqda goboladooda iyo horumarka la gaarey
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ururka xirfadlayda saxaafiyiinta Soomaalyeed SOPJA fadhigiisu uu yahay magaalada Baydhabo uu tabo bar u qabto in kabadan 50 wariyaal oo uu kamid ahaa wakiilka bdigilmirifle.com ee dalka Soomaaliya. BDM-Media Office. Baydhabo |