Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

XAALADA CAAFIMAAD DADKA KU DHAQAN DEGMADA WANLAWAYN EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE OO SII XUMAANAYSA.


 

19/07/08 Baydhabo-BDM Media: Kadib markii cudurka shuban biyood halkaasi ka dilaacay inta la ogyahay konton ruux ayaa u geeriyootay sagaashan kalena way la iil daranyihiin sida ay sheegeen odayaal dhaqameed ku sugan degmadaasi oo lasoo xiriiray xafiiiska shabaka bulsha waynta Digilmirifle.

 

Hadaba cuduradaan ayaan ahayn markii ugu horaysay laga soo sheego degmo ka tirsan gobolka Shabeelah Hoose.

 

Xaalada cakiran ee ka jirta guud ahaan dalka Soomaaliya iyo duruufaha adag ee la xiriira siciri bararka ayaa hadana waxaa ugu darsamey cudur oo aan qof walba awoodin wax uu isu daweeyo.

 

Hay'adaha samafalka ku sugan dalka gudihiisa ayaa ahayn kuwo wax badan u qabta Bulshada dhibaateysan.

 

Dhamaan Jaaliyadaha Digilmirifle ku dhaqan daafaha caalamka waxaa looga baahan yahay inay ku daydaad dadka kale oo ay wax isu taraan waxaana waajib ah inay caawiyaan walaalahooda ku sugan dalka gudihiisa oo dagaalada iyo cudurada aafeeyey.

 

Cidna uma maqna ceelna uma qodna meesha keliya ay wax ka sugayaan waa walaalahooda jaaliyadaha kala duwan ee caalamka ku nool.

 

Hay’adaha samo falka ayaa wato oo keliya magaca samo falka inkastoo aysan ka dhabaynaynin magacaasi, maamulka halkaasi ka dhisan ayaa u muuqanaya mid aan wax uqaban bulshada halkaas ku dhaqan lama oga waxyaabaha ay ku qabtaan canshuurta ay aruuriyaan dowladihii hore dalka soomaray ayaa ahaa kuwo bulshada soo jiidanaya isla markaana wax u qaban jiray bulshada ay matalaan lakiin dowlada ku meel gaarka ah dalka ku sugan ayaa ah mid aan muuqan wax qabadkeeda dowladnimo.

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com