|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Gudoomiye ku xigeenka odayaasha dhaqanka jaaliyada Digilmirifle dalka Ingiriiska Cabdulaahi Sheekh Cismaan oo maanata ka soo qayb galay xaflada... 017/07/08 Baydhabo-BDM MediaGudoomiye ku xigeenka odayaasha dhaqanka jaaliyada Digilmirifle dalka Ingiriiska Cabdulaahi Sheekh Cismaan oo maanata ka soo qayb galay xaflada caleemo saarka gudoomiyaha odeyaasha dhaqanka qowmiyada Digilmirifle ayaa sheegay in uu u yimid qiimaynta iyo midnimada Digilmirifle
Isagoo farxad wayn ku tilmaamay inay is doortaan odayaasha dhaqanka Digilmirifle oo muddooyinkii ugu dambeeyey aan lahayn wax hogaan ah “waxaan salaan idiinka wadaa jaaliyada Digilmirifle ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waana mid lagu farxo inay midowdo qowmiyada Digilmirifle" sidaasi waxaa yiri gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Digilmirifle UK Gudoomiye kuxigeenka sidoo kale wuxuu sheegay inay wadaan dadaalo lagu hormarinayo dhalinrada, haweenka, caruurta Digilmirifle mustaqbalka ugu wayn ee ay ku noolaan karaan sida in la qaado dhalin yaro jaamacado heer dibadeed loo raadiyo in haweenka Digilmirifle tacdiyo loogu gaysanayo gobolada qaar Soomaalidu ay diganyhiin ayagoo ka cararay daruufo is biirsaday goboladooda ay heleen. Ugu dambeyntii waxaana uu jaaliyad walba Digilmirifle ah ugu baaqay inay soo saaraan istiraatiijo lagu hormarinayo dulmanayaasha Digilmirifle gebagebadii wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan qowmiyada Digilmirifle inay meel mariyaan walaalnimada iyo heshiiska odayaasha dhaqanka Digilmirifle.
BDM-Media Office. Baydhabo |