|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose oo sharci darro ku tilmaamey maamul u sameynta gobolka Sh/ Hoose
16/07/08 Baydhabo-BDM Media: Xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose ayaa sharci darro ku tilmaamay howlo lagu doonayo dhinaca maamul u samaynta oo wado wasaarada arimaha gudaha iyo hay’ada UNOPS.
Xildhibaanada ayaa sheegay in wax yaabaha ladhisayo aan waxba kala socon ilaa lix iyo labaatan mudane oo katirsan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in aysan sharci ahayn arintaasi.
Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah xildhibaanadaasi ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha looga baahan yahay in si degdeg ah ay u joojiso howshaasi ay faraha kula jirto hadii kale wixii ka yimaada ay dhabarka u dhigan doonto.
Isgoo sidoo kale intaasi ku daray in gobolkaasi amaankiisa uu yahay mid aan xasiloonayn dadka degana xooga lagu haysto waa sida uu hadalka u yiri.
Sidoo kale xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in gobolkaasi aysan kajirin wax cadaalad ah ama dowlad ah oo halkaasi ku sugan.
Si kastaba ha ahaatee dhowaantan gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka dhacay dagaal faraha looga gubtay oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo u dhexeeyey ciidamo taabacsan Jaamac balow oo seegtay in uu yahay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo ciidamada maamulka lagu muransan yahay ee gobolka Shabeelaha Hoose
BDM-Media Office. Baydhabo |