Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Biyo la'aan aad u baahsan oo laga soo sheegey magaalada Baydhabo gobolka Bay.


16/08/08 Baydhabo-BDM Media:

Biyo la’aan aad u baahsan oo saamaysay shacabka reer Baydhabo ayaa magaalada Baydhabo ka jirta kadib markii ay duugmeen ceelashii biyaha laga cabayey.

 

Marka aad marto wadooyinka magalada Baydhabo waxaad dareemaysaa biyo la’aan baahasan oo magaalada ka jirta. Fuustadii biyo ah magaalada Baydhabo ayaa la iibinayaa 30,000 sh. So.

 

Haweenay ka mid ah haweenka reer Baydhabo oo u waramaysay websiteka bdigilmirifle.com oo lagu magacaabo Xaliimo Axmed ayaa sheegtay in dhibaatooyin biyo la’aaneed ay saameeyeen bulshada reer Baydhabo iyadoo tilmaantay in arintan aney jirin wax lagu tilmaami karo.

 

Ceelalkii biyaha laga cabayey waa kuwa aasmay halkan waa ceel busley waa ceelka keliya ay biyaha ka cabaan shacabka reer Baydhabo waxaad na ku arkaysaa islaamo badan oo halkaasi safaf dhaadheer ugu jiraan in biyo ay helaan inkastoo ilaa gabal dhicii haweenku ay yihiin kuwo murankooda la maqlayo taasoo malaha loola jeedo in ay ku jiraan biyo dhaamin laakiin ma ahan mid dabooli karta baahida biyo laaneed ee magaalada Baydhabo.

 

Ceel busley oo kelya qof waliba ayaa  hadal haya sida xal loogu heli karo biyo la’aanta raagtey ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka. Lamana yaqaano goorta ay biyaha ka dhergi karaan shacabka reer baydhabo.

 

Si kasataba ha ahaatee arintan ayaa ku soo beegmayasa xilli muddooyinkii ugu dambeeyey shacabka reer Baydhabo ay ka cabayeen tubooyin guryahooda ugu jiray. Taasi oo laga soo jiiday wakaalada Muumin ee magaalada Baydhabo

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com