Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

in ka badan 500 ruux oo ku sugan magaalada Baydhabo oo ka kala yimi dhamaan gobolada koofur galbeed ee Somaaliya ayaa 200 kamid ah indhaha loogu fiiqey halka kuwa kalena la daaweeyey.


BDM-Baydhabo:13/02/2010

Qoox uu hogaaminayey Dr shiino oo si lacag la'aan ah indhaha ugu fiiqayey dadweenaha ku nool maalada Baydhabo iyo gobolada koonfur galbeed ayaa ka dhoofey magaalada Baydhabo.

qooxdaan dhaqaatiirta ah oo uu horkacayey Dr shiino ayaa ku aadan magaalada Muqdisho kadib markii si la amaani karo gargaar dhinaca indho fiiqista ah ay ka geesteen Magaalada Baydhabo ayaa waxaa si wada jir ah u sagootiyey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Culmaa'udiinka, Aqooyahanada, Waxgardka, dhalinyarada iyo haweenka.

Tiro kor u dhaafeysa 500 ayaa loo sameeyey baaritaano (visit) halka 220 qofoodna indhaha loogu fiiqey  iyo 230 qofood oo la daaweeyey kuwaaso oo dhamaantooda ka kala yimi gobolada Koonfur Galbeed ee Somaliyamudadii ay joogeen..

Dr. Maxamed, oo ka tirsan Hay'adda la magac baxday (Somali Refugee Development Center) oo ah Xarunta Horumarinta Barakacayaasha Soomaaliyeed, oo xarumo ku leh Muqdisho, Baydhabo iyo Nayroobi ayaa waxaa uu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu arko xafiis ay leedahay (Al-Manhal) qaybta indhaha, oo subax walba soo booqata dadka soo bara kacay, oo ay indho tirtay Gaajada, Cudurada Indhaha ku dhaca, Nafaqa darrada I.W.M oo aan awoodin in ay iska bixiyaan kharajka yar oo baarista ah iyo daawada iyo Indha gashiga loo soo qoro oo ayna iska bixin Karin.

Si kastaba ha ahaatee mudadii gaabneyt ee Dr Shiine iyo kooxdiisa ay joogeen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka faa'ideystey dad badan inkastoo adka ku dhaqan gobolada koonfur galbeed ay aad ugu doorbidi lahaayeen inay mar arkaan ha'ada Al-Manaal oo xafiis ku furata Magaalada Baydhabo oo xudun u ah Gobolada Konfur Galbeed

 

 

BDM-Media Office. Baydhabo
wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com