|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Magaalada Baydhabo” Magaalo aan lahayn Isbitaal ku filan, Warbixin ku saabsan Xaaladda uu ku jiro Isbitaalkaa 03/08/08 Baydhabo-BDM Media: Haddii Maanta lagu weydiiyo Gobol ay ku nool yihiin dad fara badan oo isugu jiraan dad nolol kala duwan haysta haddana aysan heli Karin goob caafimaad oo naftooda ku badbaadiyaan ma garanaysaa aqriistow maxaad ku jawaabi kartaa inuu yahay Gobolkaas, adigoo Jawaabta ka raadin meel fog waxaad dhihi kartaa Gobolkaas waa Gobolka Baay oo hadda xarun KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.
13-sano ka hor Isbitaalka Magaalada Baydhabo waxaa uu ahaa mid ka mid ah Isbitaalada ugu wanaagsan Soomaaliya waxaa uu lahaa qeybo badan oo Bukaanada lagu kala maareeyo, haatanse Isbitaalka ma laha hal qeyb oo kaliya oo la isku halayn karo, waayo,waxaa ka muuqata Isbitaalka burbur iyo daryeel la'aan, taas oo ay u wacan tahay wax tar la'aanta Hay'adaha Qaramada Midoobay iskaba daa dadkii Gobolka u dhashay inay wax qabtaan.
Dhibaatada jirta ayaa waxay tahay, Sariiraha Isbitaalka oo liita, Daawo la'aan, Dhaqaatiir la;'aan iyo dhismaha Isbitaalka oo aad moodo inuu yahay xero ciidan, maba rumeysan karto in dhismahaas uu yahay Isbitaal ama goob Caafimaad.
Qiyaastii Bulshada ku dhaqan Gobolka Baay ayaa la sheegaya inay ku dhaw yihiin tiro ahaan 2 Milyaan maadama Magaalada iyo Degmooyinkeeda ay buux dhaafiyeen dad ka barakacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sidaas darteed waxay dadkaas halis ugu jiraan inay u dhintaan xanuun kasta oo soo wajaha maadama aysan heli Karin goob Caafimaad ama daryeel Caafimaad.
Waa ay adag tahay in ruux qaba dhaawac halis ah 5 daqiiqo oo kaliya lagu gaarsiiyo Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo Magaalada u jira in ka yar 2 KM marka aad eegto halka uu Isbitaalka ku yaala iyo Bartamaha Baydhabo, maxay tahay sababta dhibaatadaas dhalisay, waxaa taasi u wacan wadada isku xirta Isbitaalka iyo Magaalada oo Ciidamo fadhiyaan, Ciidamadaas ayaa la ii sheegay inay yihiin Ilaalada Madaxtooyada iyo degaanada Madaxda Dowladda Federaalka.
2-sano ayaa laga jooga Markii Magaalada Baydhabo Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya ay fadhiisteen, waqtigaas ilaa iyo xilligan la jooga ma jirto wax muuqda oo Dowladda Soomaaliya ka qabatay Magaalada Baydhabo.
Marka, Jowhar, Kismaayo ma gaari karto Magaalada Baydhabo marka laga hadlayo dhinaca Caafimaadka, Magaalada Marka waxaa ku yaala Isbitaal weyn oo buuxiyay baahida dadka halkaas ku dhaqan, dadaalkaas waxaa muujiyay hay'adaha gargaarka oo ay ka mid tahay Hay'adda COSV iyo dadka degaanka oo iskaashaday. Jaaliyadda Gobolka Baay ee degan Dibadda sida
Mareykanka iyo Yurub kuma guuleysanin inay dadkooda wax u qabtaan, lama
garanayo sababta iyagana dib u dhacaas ugu yimid maadama ay ku nool yihiin
dalalka dunida ugu wanaagsan marka laga hadlay.
Nuuradiin
Macalin Mukhtaar (Diinow |