|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Cidna uma maqna ceelna uma qodna: Sideedaba aduunka aan ku noolnahay ma jiro wadan aan dagaal soomarin shanta qaaradoodba ee aduunka balse waxay kala ahaaneen kuwo dhaqsi u xalisma iyo kuwo daba dheeraadey inkastoo dagaaladaasi ay mabda' ku saleysnaayeen hadii ay noqon lahayd dhinaca diinta, dhaqanka ama isirka iyo wixii la mid ah.
Hadii aan tusaale usoo qaadano dagaalkii ugu xumaa ee qarnigaan aan ku jirno oo ahaa kii wadanka Ruwanda kaasoo ay ku nafwaayey malaayiin qofood ugu dambeyntiina laga heshiiyey sidoo kale dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay wadanka Kenya oo ku bilowdey xowli laakiin markii dambe lagu guuleystey in laqaboojiyo si fufudna loo xaliyey.
Hadaba su'aasha meesha ku jirta ayaa ah hadi Soomaali lagu sheego inay yihiin umad isku diin, isku midib, isku isir iyo isku luuqad maxay tahay sawabta ay u heshiinwaayeen in ku dhow 20 sano goormaasee lagaari karaa xalka dhabta ah yaase laga sugayaa xal inuu keeno waana su'aasha inta badan ay is weydiiyaan Soomaalida oo dhan.
Xal u helida arimaha murugsan ee Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa tagaya heer quursi ah waxaase taasi ka yaab badan sida ay u dhaqmayaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta xukuumada ku meelgaarka oo xukunkooda u jiida hadab meeshii ay doonaan bixiyaana amaro kala duwan oo liidi isku ah taasoo lagu tilmaami karo inay sidii garsoore ciyaartooy oo go'aan ku gaaray RIGOORE doonayana inuu go'aankisa ka noqdo taasoo aan horey looga arag caalamka balse mid taas u eg ay ku dhaqmayaan mas'uuliyiinta xukuumada TNG waayo wasiiro iskooda u bixiyey istiqaalo oona ka ogolaadey raysul wasaaraha oo baarlamaankiina ayidey hadana ladoonayo in lasoo celiyo.
Xilkii umada loo hayay ayaa iska noqdey mid ciyaar ah taasoo ay u sawab ah in mas'uulka uusan aqoon ku filan u haysan mas'uuliyada uu hayo iyo asigoon haysan wax kula taliya arinkaas sida arimaha sharciga ama arintu ay tahay rabitaan keli talisnimo meeshuna ay ka muuqato oraahdii ahayd cidna uma maqna ceelna uma qodna.
Hadaba waxaa ila quman hadalkii uu gudoomiyaha baarlamaanka TFG mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ( Sheikh Adaan Madoone) oo ahaa "wasiirada waa sidii ay isu casileen hadii la rabo in dowlada ay sii jirto" asigoo u arkayey in xalka uu sidaas ku jiro waxaana haboon in xubin kasta oo dowlada ka tirsan sharciga ay u hogaansantaa waayo sharciga ayaa kala saara midka saxsan iyo kan qaldan sharciyaga ayaana ah midka dalka iyo dadkaba u horseeda guul iyo barwaaqo.
Sdia ay qabaan Soomaalida ku dhaqan dowladaha Khaliija 96% waxay ayidsanyihiin in mus'uuliyiintii iskooda u baxeen inaanan la soo celin hadalka Gudomiyaha Baarlamaankana uu yahay midka ugu macquulsan ee la qaadan karo oo bulsho weynta Digilmiriflena 100 ay ku wada ayisanyihiin iyo Soomaalida intoodi badan.
Waxaanse mas'uuliyiinta dalka ugu baaqayaa in lala yimaado nidaam sax ah oo lagu maamuli karo dalka danna u ah umada.
Cumar Mursal Yaxya |