|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Golaha siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Digilmirifle ayaa ka hadlay amaanka magaalada baydhabo manta oo ay taariikhdu tahay 4/11/2008. shir jaraaid oo ay ku qabteen xaruuntooda manta waxaa shirkaas jaraaid ka hadlay afhayeenka golaha Md. Fowzi Cabdinuur Maxamed wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay;
"Marka hore waxaan tacsiyad tiiraanyo leh u gudbinaynaa Shacbiga Qowmiyadda Digilmirifle meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, ehelada iyo qaraabada marxuum Maryan Aadan Dabayarey oo shalay lagu dilay suuqa magaalada Baydhabo waxaan leenahay in dhammaan samir iyo iimaan ka siiyo marxuumadana janadii ilaah ka waraabiyo aamiin aamiin aamiin" sidaasi waxaa yiri Md. Fowsi Cabdinuur oo lahadlayey saxaafada.
Teeda kale wuxuu afhayeenka hadalkiisa ku daray "cabashooyinka mudoonyinkaan danbe ka imaanayey shacabka oo ahayd dhac loo geysanaayo iyo qaraxyo, tacshiirado aan loo aabo yeelin kana imaanayaa dhinac walba taasoo markii ay cabashooyinkaan nagu soo bateen aan ka soo saarnay shirkaan jaraaid"
Si kasta ha ahaatee hadalkaan ayaa yimid xili uu sii xumaanayo amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay. Cali ilyaas cabdulaahi |