|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Afhayeenka golaha Aqooyahanada iyo Siyaasiyiinta DM oo eedeen dusha kaga tuurey dowlada Jabouti.
Baydhabo: 06/12/08 BDM Media: Afhayeenka golaha aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Digilmirifle Dr. Fowzi Cabdinuur Maxamed ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray dowladda Jabuuti Wasiirkeeda arrimaha diinta iyo awqaafta kaasoo ahaa in beelaha banadir iyo puntaland aan la heshisiinaynin balse dowladda federaalka iyo mucaaradka ay heshiiyeen.
Dr. Fowzi Cabdinuur ayaa sheegay in dowladda jabuuti aan dhexdhaxaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya laakiin ay tahay mid doonaysa in dagaalo hor leh ay ka dhacaan dalka Soomaaliya isagoo hadalkiisa sii wata ayaa dawladda jabuuti ku tilmaamay inay mar waliba sad bursi uga sameyso Qowmiyadda Digilmirifle Qowmiyadaha kale tasoo tusaale u ah sida dowladdii TNG oo lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka jabuuti markii 20 xubnood ay ka codsatay shirweynahii dib u heshisiinta dabadeedna ay siisay xubnahii beelo kale oo aan ku jirin Qowmiyadda Digilmirifle, hadana hadalada ka soo yeeray wasiirkeeda laga dhadhansanaayey in sad bursigaas sidii oo kale uu u siiyo 275 hal beel oo keliya. Waxa kaloo afhayeeka sheegey in warkiisa uu sheegay in dowlad iyo mucaarad ku heshiiyey laakiin aheyn taasi waayo dowladda meesha heshiiska ku gashay iyaduba sharciyad ay ku xaajooto oo masiirka Soomaaliyeed ama mid dowladeed ma qabin, taasoo daliil cad u ah xukuumad aan ansixin Madaxweynaha ama Baarlamaanka ayaa heeshiiskaas gashay saxiixa heshiiskana wuxuu ahaa marka laga ansaxiyo isla heshiiska Golaha Barlamaanka in laysugu tago dib gogosha dib u heshiisiinta.
Si kastaba ha ahaatee hadalkaan Dr. Fowzi Cabdinuur ayaa wuxuu yimid xili dhowaantaan xildhibaanada beelaha Digilmirifle ee Baarlamaanka ugu jira ay ku hanjabeen in calaamatu su’aal ay saari doonaan ka mid ahaanshaha wadajirka Soomaaliyeed haddii Dowladda Kmg aan ka soo laaban sedbursiga Beelaha Digilmirifle ay ku hayaan sida hadda socota ee shir ku sheega dib u heshiisiinta jabuuti |