Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Baarlamanka DFG oo ka hadley dhibaatooyin ganacsato loogu geystey Digilmirifle ah gobolada Puntland


 

 

Baydhabo: 03/12/2008 BDM Media.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka kmg Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in dhibaatooyin Gaar ah loogu geeysto Ganacsatada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.

 

 

Kulankaan ay yeesheen Qaar ka mid ah xildhibaanada Baaarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan looga Hadley falalka naxriis darada lagula kacay ganacsada ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool dhibaatadaas oo isugu jirta dac iyo xarig oo loo geysanayo dad aan waxba galabsan.

 

 

Xildhibaan Max'ed Xuseen Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa laga xumaado ku tilmamay in magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso lagu xiro ganacsato u dhashay gobolada Bay iyo Bakool,kuwasi oo la sheegay in ay u xiran yihiin maamul goboleedka Puntland isla markana aan laga war heyn sababaha ay u xiranyihiin iyo waxa loo heysto.

 

 

Xildhibaanadani ayaa waxaa ay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo xildhibaandada halkasi ku sugan ka codsadeen in si deg deg ah loo sii daayo Ganacsatadani halkasi ku xiran.

 

 

Waxaa ah wax lala yaabo ah in gobolada ay degaan qowmiyada Digilmirifle marwalba ay walaalahooda Soomaaliyeed ay u fidiyaan gacan soo dhaweys mudan dhinaca siyaasada iyo ganacsigaba amaana laga helo meelaha ay ka aramiyaan balse taas bedelkooda loogu bedelo dhibaatooyin isugu jira dac, dil iyo xarig.

 

 

Ma,ahan markii ugu horeeysay ee ay qeylo dhaan ku aadan Ganacsatada ay masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland ku xiraan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ay ka soo yeerto xildhibaanada Baarlamaanka.

 

wararka@bdigilmirifle.com

www.Bdigilmirifle.com