Shabakadda Bulshaweynta Digil  Mirifle

Booqashada labaad ee Isbitaalka Baydhabo.


Maanta oo ay taariikhdu tahay 20/09/2008 waxaa booqasho labaad oo kuurgal ah ku tagay isbitaalka weyn ee Baydhabo qaar ka mid ah guddiga fulinta oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Malaaq Axmed Maxamed Yacquub, G/K/xigeenka 1aad Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan, G/K/xigeenka 2aad C/laahi Cabdi Aadan (Shuukeey), Afhayeenka Guddiga Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh, Xoghayaha gaarka ah Mudane Dr. Cali C/qaadir Maxamed (Cali Zobe), Malaaq Maadeey Cabdinuur, Malaaq C/rashiid C/salaan iyo Malaaq Sheekh Aamiin Sheekh C/Baari.

 

Guddiga iyo xubnihii la socday waxaa soo dhoweeyay Dr. C/qaadir Maxamed Cali oo ah (Project manager ee hay’adda COOPI) isla markaasna ah madaxa mashruuca u qaabilsan Bay, Bakool iyo Geddo taasoo shaqadoodu ay tahay qalabeynta Isbitaalka, Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Dirtoorka ayaa wuxuu kaloo ka warbixiyay habsami u socodka howlaha isbitaalka iyo isbedelka weyn ee ka muuqda isbitaalka inta ay gacanta ku haysay hay’adda COOPI, waxaana wararkiisa ka mid ahaa dadaalka habeen iyo maalin ugu jirno daboolida baahida shacabka ku nool magaalada Baydhabo, wuxuuna nagu wargeliyay dhismaha isbitaalka inuu socdo isla markaasna tusay guddiga (Project) ee hay’adda COOPI ay sameysay uguna talo gashay in ay hirgeliso mustaqbalka, wakhtiga xaadirka ah korontada waa ay shaqeyneysaa biyahana way shaqeynayaan, wakiilka COOPI wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo si aad ah uga codsaday Guddiga Malaaqyada Salaadiinta Digilmirifle in looga baahan yahay wada shaqeyn iyo isku xirnaansho isla markaasna dadaal dheeri ah ay sameeyaan.

 

Agaasimaha Isbitaalka wuxuu sheegay in heshiis lala galay hal dhakhtar oo dhinaca qaliinka ah (surgery) oo codsaday mashaar dhan $2,000 (laba kun oo doolar), hay’adda COOPI mushaharka ay bixiso waxa ugu badan $1,500 (kun iyo shan boqol oo doolar) farqiga u dhexeeya hay’adda COOPI iyo dhakhtarka waa $500 (shan boqol oo doolar) lacagtaasoo malaaqyada iyo salaadiinta isla garteen in umadda Digilmirifle (Digilmirifle community) ee ku nool gudaha iyo dibadaba la saaro lacagtaas, waxaa kaloo loo baahan yahay hal dhakhtar oo cudurada haweenka qaabilsan (gynecology), malaaqyada waxay isla garteen si loo badbaadiyo ummadan in dhamaan takhaatiirta Digilmirifle ee dibadda ku maqan ay gudaha soo galaan si ay wax ugu qabtaan umadooda dhibaateysan. 

 

Isla goobta waxaa goob joog ka ahaa Mr. Cabdillahi Aadan oo u qaabilsan hay’adda COOPI dhinaca lojistikada iyo labanin kale oo ajnabi ah dhalashadooduna ay tahay Kenyan oo la kala yirahdo Dott.Agostino iyo Dott. Natin oo dhamaantooda ah taqaatiir ka shaqeysa iyagoo si aad iyo aad ah ugu faraxsanaa booqashadda Malaaqyadda iyo Salaadiinta ee Isbitaalka.

 

Ugu dambeyntii waxaa hadalka qaatay Malaaq Axmed Maxamed Yacquub, Guddoomiyaha Malaaqyadda iyo Salaadiinta Digilmirifle isagoo u jeediyay inay ku faraxsan yihiin dadaalka weyn ee hay’adda u qabatay umadda ku nool Magaalada Baydhabo isla markaasna carabka ku dhuftay in hay’adda aysan ku howlneen kaliya isbitaalka xataa ay ka shaqeyso Xoolaha iyo Beeraha sidii lagu hormarin lahaa asagoo sheegay in WFP ay ku hayso cuna qabateen xoog leh Shacabkan ku nool labada wabi dhexdooda ayadoo markii ay abaar jirto wax macaawino ah aysan  keeneynin marka beeraha la goostana ay keenaan macaawino taasoo dhabar jab ku ah beeraleyda iyagoo ugu dambeyn ka caajisa inay wax beertaan.

 

                                                      

 

                       Gudoomiyaha Golaha GMSDM

                           Malaaq Axmed M. Yacquub

 

 

Golaha GMSD/M
golahamalaaqyada@yahoo.com   / gmsdm_141@yahoo.com

www.Bdigilmirifle.com