|
Shabakadda Bulshaweynta Digil Mirifle |
|
Amaanka Magaalada Baydhabo oo qarka Ka sii Baxaya. Baydhabo 18/01/2009 BDM: Waxaa lagu soo waramayaa in ay sii xumaaneyso xaalada nabad geliyo ee magaalada Baydhabo ee gobolka Bay Saakay ayaa waxaa xiran dhamaan wadooyinka xaafadaha magaalada Baydhabo kuwaasi oo la sheegay in ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Ethiopia gaar ahaan kuwii horay ugu sugnaa gudaha magaalada Baydhabo,waxaana ciidamadaasi ay dadka ku amrayeen in aysan xaafadahooda ka soo bixin ayagoo xirey dhamaan wadooyinka Magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamadaasi ay xireen dhamaan howlihii ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Baydhabo kuwaasi oo sida la sheegay sugaya ammaanka ciidamo kale oo Ethiopian-ah oo magaaladaasi gaaray. Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa bandow sidaan oo kale ah ku soo rogay ciidamo ka tirsam kuwa dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo iyana dadka rasaas ku kala Cayrinayay,waxaana arintaasi lala xariirinayay soo galidda ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo Sidoo kale shaley ayey ahayd markii Qarax Sababay qasaare Nafeed ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Qaraxaasi ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan booliiska dowaladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo magaalada qeybo ka mid ah howlgalo ka waday. Balse waxaa waxyeelo ka soo gaarey dadka aan waxba galabsan ee ku dhaqan goobihii qaraxa lala beegsadey Dhaawacyada ayaa waxaa durbaba loola cararay cuisbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo xaaladooda caafimaad ay ku daaweynayaan dhaqaatiirta walow qaar ka mid ah dhaqaatiirtu ay sheegeen in 6-daasi ruux sedax ka mid ah dhaawacyo cul culus ay ka soo gaareen. Ayadoo lagu jiro xili sicir barar iyo duroofo dhaqaale ayaa hadana dadka misaakiinta ah ee xal u la' nolnol maalmeedkooda waxaa wax yeelo ka soo gaara dirirta u dhexeysa garabyada isku haya dalka Soomaali balse dhibaka ugu badan soo gaarayo dadka aan waxba galabsan. |